(Hadalsame Media) 09 Maarso 2025 – Ciidamada ammaanka Suuriya ayaa la sheegay inay dileen boqollaal rayid ah oo kasoo jeeda qomwiyadda diin ahaan laga tirada badan yahay ee Calawiyiinta xilli ay rabshado ka socdaan deegaannada ku dherersan xeebta dalkaas, sida uu sheegay urur arrimaha bani’aadannimada ka shaqeeya.
Ururka SOHR oo xuquuqda bani’aadannimada Suuriya ka shaqeeya fadhigiisuna yahay UK ayaa sheegay in ilaa 745 rayid ah lagu dilay ilaa 30 xasuuq oo Jimcihii iyo Sabtidii lagu beegsanayay Calawiyiinta.
BBC oo warkan baahisey se si madax bannaan uma xaqiijin karto sheegashooyinkan.
Boqollaal qof ayaa la sheegay inay guryahooda ka qaxeen, iyagoo gobolku uu yahay kan uu kasoo jeedo madaxweynihii xilka laga qaaday ee Bashar al-Assad, oo qudhiisa kasoo jeeda bulshada Calawiyiinta.
Hadalsame Media