(Hadalsame) 09 Dis 2023 – Hay’adda u qaabilsan qaxootiga Qaramada midoobay ayaa sheegtay in tiro badan oo aan hore loo arag oo gaareysa nus milyan qof in ay ka gudbeen keymaha Darien ee u dhexeeya koonfurta iyo bartamaha qaaradda Ameerika sanadkan.
Dadkaas ayey hay’addu ku sheegtay in ay raadinayaan ammaan iyo nolol wanaagsan, waxayna ka digtay xaalad bani’aadannimo oo deg deg ah oo halkaas ka dhalaneysa.
Qaramada Midoobay waxay ku baaqday kaalmo degdeg si wax looga qabto dhibaatada.
An unprecedented half a million people have crossed the Darien jungle between South & Central America this year in search of safety & a better life.@UNmigration & @Refugees warn of a deepening humanitarian emergency and call for urgent support. https://t.co/cGSenuPyR4 pic.twitter.com/D4qu2CpMoN
— United Nations (@UN) December 8, 2023
Xaaladda dhulkaan waa sidee?
Gobolka Darien waxaa ka jira dhibaato weyn, waan dhabaha ugu khatarsan ee muhaajiintu ka gudbaan.
Waa dhul fog, oo aan wadooyin laheyn oo looga kala gudbo xuduudaha u dhexeeya Colombia iyo Panama, cabirkiisu wuxuu ka badan yahay 60 kiilomitir oo keymo roobaad ah.
Waa dhul sidoo kale buuraley ah oo dhiiqo ah, waxa uuna sanadihii u dambeeyay noqday marinka dadka soogalootiga ah ee doonaya in ay nolol iyo shaqo ka helaan Mareyknka.
Sababta keentay in ay muhaajiriinta safarkan khatarta ah galaan ayaa lagu sheegay in ay adag tahay hababka kale ee Mareykanka lagu gali karo sida cirka, dhulka iyo badda. Inta badan aad ayey ilaalada xadka uga hortagaan in aan lagu soo gudbin si sharci darro ah.
Dhibaatada ay la kulmaan muhaajiriinta

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY
Dadka tahriibaya waxay la kulmaan caqabado badan inta ay ku jiraan safarkooda halist ah ee dhinaca waqooyi.
Caqabadaha waxaa ka mid ah dhul halis ah, cudurro, kooxo burcad ah oo weerara muhaajiriinta nolol doonka ah.
Sanadihii u dambeeyay waxaa kordhay tirada muhaajiriinta ee isticmaala dhulkaas, waxayna taasi saameysay dadka dhulka deggan.
Madaxda dowladaha iyo ururada caalamiga ah waxay isku dayeen in ay wax ka qabtaan dhibaatada iyagoo u diyaariyay guryo kumeel gaar ah iyo adeeg asaasi ah dadka ka imaanaya Panama oo ah meel aysan wax badan ka jirin.
Soomaali badan ayaa ka mid ah dadka soo maray dhulkaas khatarta ah. Cabdinaasir Maxamed Xasan oo loo yaqaan Foormiig oo Cabdisalaan Hereri ku wareystay Mareykanka ayaa ka sheekeeyay halista uu soo arkay.
“Qofkasta waxa uusan iloowi karin waa meesha aadka u halista badan ee keymaha Panama, waxyaabaha aan arkay waxaa ka mid ahaa in aad arkeyso meydka dad mar dhow dhintay oo safar ku jiray.”

XIGASHADA SAWIRKA,CRISIS GROUP
Maxaa keenay in la tahriibo
Dhaqaale xumo, kacdoon siyaasadeed, dagaal iyo isbecelka cimilada ayaa ah sababaha ugu weyn ee tirada muhaajiriinta ka gudba dhulkaas kordhisay sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay.
Xayiraadda COVID-19 ee xuduudaha markii la qaaday waxaa furmay meelo badan oo Latin Ameerika ah oo la maro.
Muhaajiriin badan oo ka yimaada koonfurta Ameerika marka hore waa in ay soo maraan dhul kale oo balaaran.
Markii ugu horeysay ee lagu safro keymaha Darien oo dad tahriibayaal ah maraan waxay bilaabatay dhammaadkii sanadihii sagaashamaadka.
Dadkii waqtigaas ka gudbay waxay u badnaayeen dad u dhashay Colombia oo ka qaxayay dagaallo iyo rabashado ka jiray dalkooda.
2010-kii ayey Panama u diwaangelisay in dhulkaas yahay jid ay maraan muhaajiriinta.
Intii u dhexeysay 2010-kii ilaa iyo sanadkii 2014-kii waxaa si rasmi ah loo diwaangeliyay in ay ka gudbeen dad gaaraya labo kun iyo afar boqol sanadkii sida ay ha’yadda xuquuqda aadanaha HRW sheegtay.
Tiradii ugu badneyd waxay mareen 2015-kii ilaa iyo 2016-kii markaasi oo ku dhawaad sodon kun sanadkii la diwaangeliyay.
Muddo kooban ay tiradu yaraatay balse waxay dib u kordheen 2021kii ilaa iyo 2023-kii.
BBC
Hadalsame Media