
(New York) 08 Dis 2023 – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa u codeeyey qaraar lagu dalbanayo xabbad-joojin deg deg ah oo ka dhacda Gaza ayaa yimid kaddib markii madaxa Qaramada Midoobey uu Arbacadii howlgeliyey qodobka 99-aad ee Axdiga Qaramada Midoobey – taasoo ah tallaabo naadir ah oo loogu talagalay in si rasmi ah looga digayo khatar caalami ah oo ka iman karta dagaalka Israa’iil ee Gaza oo noqon kara mid wayn.
Xaaladda Gaza ayaa kasii daraysa iyadoo ay dhinteen ugu yaraan 16,248 oo Falastiin ah, halka aan raq iyo ruux lagu haynin ugu yaraan 7,600 oo qof. Kaaga darane 70% dadkaasi waa haween iyo carruur. Waxaa sidoo kale laga cabsi qabaa inuu burburo hannaanka caalamiga ah ee bini’aadminnimada.
WAA MAXAY QODOBKA 99-AAD? Haddaba, waa maxay qodobka 99-aad oo 3 jeer oo qura la dhaqangeliyey hadda kahor ahna agabka diblomaasiyadeed ee ugu xooggan QM, mase leeyahay awood dhab ah oo lagu joojin karo dagaalkan?
Qodobka 99-aad oo 3-da jeer oo la adeegsadey ay ahaayeen 1960-kii, Congo, 1979-kii, Iran iyo 1989-kii, Lubnaan, waa mid Xoghayaha Guud ee QM awood u siinaya inuu ku baaqi karo kulan deg deg ah oo gebi ahaanba isaga ka yimid, taasoo ka dhigan inuu la hadli karo Golaha Ammaanka isagoo aan casuumad uga baahan xubin ka tirsan, sida caadiyan dhacda.
Yeelkeede, mar kasta waxaa jiraysa cilladda Diidmada Qayaxan. Anthony Arend, oo ah professor arrimaha dowladaha caalamiga ah ka dhiga Georgetown University ayaa sheegay in tiiyoo uu qodobkani uu Antonio Guterres oo xilkan qabtay 2017-kii siinayo inuu khasbo in kulanka la iskugu yimaado misna ay khasab tahay in 5-ta dal ee rigliga ahi aysan fiitoow saarin qaraarka.
XAL MA KEENI KARAA? Iyadoo loo tixgeliyo hay’adda ugu awoodda badan Qaramada Midoobey, 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ayaa u xilsaaran ilaalinta nabadda iyo ammaanka caalamiga ah. Haddii ay haddaba doortaan inay ku dhaqmaan talada Guterres oo ay qaataan qaraar xabbad joojin ah markaa, haa.
Waxa ay yeelan doontaa awoodo dheeraad ah oo ay ku hubinayso in qaraarkan la hirgeliyey, taasoo ay ku jirto awoodda ay u leeyihiin cunaqabatayn ay soo rogaan ama oggolaanshaha in Gaza loo diro ciidamo caalami ah.
Laakiin Guterres ma siinayso wax awood ah oo dheeraad oo ku khasbi kara Golaha Ammaanka inuu soo saaro qaraar. Waxaa haatan weli soconaya shirka.
Hadalsame Media