(Dearborn) 05 Dis 2023 – Koox ka mid ah qabanqaabiyeyaasha Muslimiinta Maraykanka ee ka socda gobollada lagu naanayso ”leexada” ee marba dhinac raaca ayaa bilaabay olole ay ku cambaaraynayaan Madaxwayne Joe Biden iyo dib u doorashadiisa 2024 sabab la xiriirta mowqifkiisa dagaalka Israel iyo Xamaas ee socda.
Dhaqdhaqaaqayaashan ka socda gobollada Arizona, Georgia, Florida, Michigan, Minnesota, Nevada, Pennsylvania iyo Wisconsin ayaa soo bandhigay halkudheg la yiraahdo ”AbandonBiden” oo looga digo roganayo in Biden loo codeeyo xaflad ka dhacday Dearborn.
“Waxaan eegaynaa sidii aan u heli lahayn habab aan ku dhisno hannaan isku-dubbaridan oo ka dhexeeya dhammaan ”gobollada leexada ama wiifowga” (marba xisbi u codeeya) si aan si joogto ah uga wada shaqayno oo aan u hubinno in Muslimiinta Maraykanka ee ku dhaqan mid kasta oo ka mid ah gobolladani aanu u codayn Biden,” ayuu yiri Hassan Abdel Sala, oo bare ka ah Jaamacadda Minnesota, sida uu kasoo xigtay Politico.
“Ma haysanno lacag oo kaliya, laakiin waxaan haysannaa codad dhab ah. Codadkaasna waxaan u adeegsan doonnaa si aan dalkan laftiisa u kala badbaadinno,” ayuu raaciyey Jaylaani Hussein, oo ah maamulaha laanta Minnesota ee Council on American-Islamic Relations (CAIR), oo kasoo qaybgalayaasha kula hadlayey Dearborn, Michigan.
Wuxuu u sheegay Newsweek Axaddii in hoggaamiyayaasha bulshadu “aysan u ogolaan doonin dalkan inuu sii wado kor u qaadista danaha wershadaha sanceeya agabka millateriga oo ay sii wadaan inay na geliyaan dagaallo ayna sii wadaan inaysan qiimayn nolosha insaanka.”
Ka qayb ahaan ololahooda, gayfanayaasha ayaa sidoo kale ku baaqay xabbad-joojin deg deg ah oo ka hirgasha Gaza, halkaasoo dagaalku dib uga soo cusboonaaday kaddib xabbad joojin toddobaad ah oo ku ekayd Jimcihii.
Hadalsame Media