(Riyaad) 05 Dis 2023 – Xarunta Gargaarka Bani’aadannimada iyo Gargaarka ee Boqor Salmaan ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya (KSrelief) ayaa heshiis la saxiixatay hay’adda Norwegian Refugee Council (NRC) si loo horumariyo xaaladda nololeed ee dadka degaanka ee ay saameeyeen abaaraha iyo dhibaatooyinka bini’aadminnimo ee Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa heshiiska ay ku kala saxiixdeen Riyaad, waxaa goobjoog ka ahaa Kaaliyaha Kormeeraha Guud ee KSrelief ee Howlgallada iyo Barnaamijyada Eng. Ahmed Al-Baiz, iyo Madaxa Hay’adda Qaxootiga Norway ee Soomaaliya Maxamed Cabdi.
Agaasimaha Waaxda Caafimaadka iyo Degaanka ee KSrelief Dr. Abdullah Al-Muallem ayaa sharraxay in sida heshiiska uu dhigayo la qodi doono 20 ceel oo loo dhisi doono bamam koronto ku shaqeeya, iyadoo ceel walba lagu rakibayo nidaamka tamarta cadceedda ku shaqeeya.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in ceel kasta loo dhisi doono haan sare oo kayd biyo ah oo ay la socdaan dhammaan agabyada iyadoo la raacayo tilmaamaha iyo shuruudaha ay ansixisay KSrelief.
Lix goob saldhig-biyood ayaa sidoo kale dib u dayactir lagu samayn doonaa iyadoo loo samayn doono nidaamka tamarta cadceedda, iyo sidoo kale rakibidda iyo ka shaqaysiinta bamabka biyaha soo dhufanaya.
Arrintan ayaa laga hirgelin doonaa degaanno dhowr ah oo kala ah; Mudug, Nugaal, Bari, Sool iyo Sanaag oo ka wada tirsan Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya.
Al-Muallem waxa uu sheegay in 130,000 oo qof ay ka faa’iidaysan doonaan shaqooyinkan, kuwaasoo lagu qiyaasay 3 milyan iyo 588 kun oo Doollarka Maraykanka ah.
Tan yaabka lihi waxay tahay in Sucuudigu uu fulinta mashruucan sii marsiinayo hay’ad reer Galbeed ah oo kumannaan oo ka timid dal kumannaan mayl ka fog Somalia, iyadoo aan la aqoon waxa u diidaya inuu isagu fuliyo maadaama uu diin, dhaqan iyo taariikhba la wadaago Soomaalida.
Hadalsame Media