(Washington, DC) 05 Dis 2023 – War qoraal ah oo uu soo saaray Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa waxa uu ku cambaareeyey “degaamaystayaasha xagjirka ah ee gaysta weerarrada rabshadaha wata ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta ee ku sugan Daanta Galbeed”.
Diblomaasiga ugu sarreeya dalkaasi ayaa sheegay in Maraykanku u diidi doono fiisaha qof kasta oo ku lug leh “arrin wax u dhimaysa nabadda, amniga ama xasilloonida Daanta Galbeed” ama qaada tallaabooyin “si aan macquul ahayn u xaddidaya dadka rayidka ah inay helaan adeegyada muhimka ah iyo waxyaabaha aasaasiga ah”.
Warku wuxuu intaa ku daray in xitaa xubnaha qoyska ee dhow qofka lagu helo tacaddiyadan ay sidoo kale la kulmi karaan xayiraadaha dalkugalka ee uu soo rogayo Maraykanku.
Blinken “wuxuu hoosta ka xarriiqay “in Israa’iil aysan samaynin wax ku filan si ay u joojiso rabshadaha dadka deggan Daanta Galbeed ee la haysto, taasoo kooxaha xuquuqda aadanuhu ay sheegeen inay kordheen intii uu dagaalku socdey.
Waxa uu intaa ku daray in Washington ay sidoo kale “sii wadi doonto la shaqaynta Maamulka Falastiin si ay ugu caddayso inay tahay inay iyaguna wax badan ka qabtaan weerarrada Falastiiniyiinta ee ka dhanka ah Israel”.
Si kastaba, waloow aan la hubin waxgalnimada tillaabadan, misna waxaa ka maqan tan ugu muhiimsan oo ah in Dowladda Israel lagu qabsado dembiyada dagaal ee ay ka geleyso Falastiin, waxaana ka mid ah inay ciidankeedu ilaaliyaan ama la joogaan marka ay dadkani ku xadgudbayaan Falastiiniyiinta ku nool dhulalka la haysto.
Today, I announced a new visa restrictions policy targeting individuals and their family members involved in or meaningfully contributing to actions that undermine peace, security, and stability in the West Bank. Violence against civilians will have consequences.
— Secretary Antony Blinken (@SecBlinken) December 5, 2023
Hadalsame Media