DAAWO: Daalibaan oo heshay hub culus kaddib markii ay samaysay arrin uusan Maraykanku filayn (2 arrimood oo uu ka cabsanayo?)

0

(Kabul) 05 Dis 2023 – Kooxda Daalibaan ayaa diyaarisay diyaarado dagaal oo casri ah oo markii hore la is lahaa kuma nacfin doonaan kooxda Daalibaan oo dalkaasi la wada wareegtey Agoosto 2021-kii.

Daalibaan ayaa iskugu yeertay ilaa 40 duuliye iyo farsamayaqaanno Afghani ah oo horay u duulin jirey diyaaradahan ay ka qabsadeen dowladdii Ashraf Ghani ee burburtay, waxayna u xilsaareen inay cillad bixiyaan islamarkaana duuliyaan.

Daalibaan ayaa la wareegtey hub ku kacaya 7 bilyan oo Doollar oo iskugu jira mid ay lahayd Dowladdii dhacday iyo qaar ay ka tageen Maraykanka iyo NATO. Waloow ay qaar badan burburiyeen ama cilladeeyeen.

Maraykanka ayaa xitaa ka baqaya in hubkan lagu weeraro iyo xitaa inay gacanta ku dhigaan Ruushka iyo Shiinaha oo qishi kara farsamada horumarsan ee Maraykanka.

Waxaa ka mid ah miigag, diyaaradaha xamuulka, kuwa qumaatiga u kaca oo ilaa 70 ka tirsan la dayactiray, taangiyo, beebayaal, haamfiga ciidanka qaada iyo qorayaha culus oo kala nooc ah.

Waxaa xitaa ku jira hub uu Ruushku farsameeyey ama uu Maraykanku kasoo iibiyey dalal haysta hubka Ruushka si uu deeto ugu qalabeeyo Dowladda Afghanistan.

Hadalsame Media