Turkiga oo durba ballanqaad u sameeyey Somalia kaddib qaadista cunaqabataynta & Gargaar uu bixiyey

0

(Ankara) 04 Dis 2023 – Turkiga ayaa Sabtigii soo dhoweeyey go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey uu cunaqabataynta hubka uga qaaday Soomaaliya.

“Waxaan u rajaynaynaa in go’aankan taariikhiga ahi uu keeno waa cusub oo beera nabad, barwaaqo iyo rajo xooggan oo mustaqbalka Soomaaliya ah.” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya.

Waxa ay WaD intaasi ku dartay in Ankara “si kasta oo ay tahay, ay sii wadi doonto garab istaagga shacabka Soomaaliyeed iyo taageerada Soomaaliya xilligan cusub”, iyadoo ay Turkigu tababar iyo qalabayn u sameeyaan Ciidanka Qalabka Sida qaybihiisa kala duwan.

Dhanka kale, Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga ayaa shalay ku wareejisay Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Soomaaliyeed ee SODMA gargaar ka kooban 2,000 oo xirmo oo loogu talagalay dadka ay saameeyeen fatahaaduhu.

Guddoomiye Xigeenka SODMA, Axmed Cabdi Aadan, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay aad ugu mahadcelinayaan Turkiga, waxaanu sheegay inay hubin doonaan sidii ay gargaarku u gaarsiin lahaayeen dadka dhibaataysan.

Hadalsame Media