(Caruusha) 04 Dis 2023 – Soomaaliya ayaa laga yaabaa inay todobaadkii hore ku biirtay ururka Bariga Afrika ee EAC, iyadoo noqotay xubintii 8-aad ee ururkan is balaarinaya, balse Soomaalidu waxay is waydiinayaan haddii ay tallaabadani dili karto afkooda qaran ee Soomaaliga.
Ilaa hadda, suurtagalnimadaasi waxay u muuqataa mid fog, balse go’aanka uu Wasiirku Warfaafinta Somalia oo ugu hadlay Sawaaxili ayaa laga cambaareeyey baraha bulshada waloow ay qaar difaaceen, iyadoo dadka qaarna ay ku eedeeyeen inuu sharciga dalka ku tuntay.
Waxa ay eeduhu bilowdeen markii Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Soomaaliya, Daa’uud Aways, uu saxafiyiinta kula hadlay magaalada Caruusha ee dalka Tanzania Sabtigii todobaadkii hore oo uu ka dhacayey shir madaxeedka 23-aad ee madaxda EAC.
Wuxuuna si ballaaran uga hadlay muhiimadda ay Jamciyaddani u leedahay Soomaaliya, isagoo ku celceliyey farriintiisa oo uu ku sheegayey English-ka iyo Sawaaxiliga.
“It’s Somali and Arabic. The Minister of Information, Culture and Tourism of FGS (federal government of Somalia) can use his additional linguistic abilities when he’s not representing the Somali Government. Enough with the nonsense.”
“Afafka rasmiga ah ee Somalia kuma jiro Sawaaxiligu. Waa Soomaali iyo Carabi. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS (Dowladda Federaalka Soomaaliya) waa uu isticmaali karaa awoodiisa luqadeed marka uusan matalaynin Dowladda Soomaaliya. Maalaayacni intii hore ayaa noogu filan.” ayay X kusoo qortay Hodan Cali oo ka faalloota siyaasadda.
Yeelkeede, dad kale ayaa Wasiirka difaacey waloow aysan keenin qiil rasmi oo u qiil samaynaya inuu ku saxan yahay ku hadalka Sawaaxiliga, misna waxay farta ku fiiqeen arrin kale oo jirta, sida adeegsiga Ingiriisiga.
Geeljire (@nololfiican) ayaa ku dooday in Sawaaxiligu uu ka mid yahay “afafka hooyo” ee Soomaaliya.
“Tag Baraawe ama Kismaayo. Kismaayo, dadka kala bar waxay ku hadli jireen Kiswahili kahor dagaalkii sokeeye. Baraawe, in ka badan 90% dadka deggani waxay ku hadli jireen Kiswahili,” ayuu ku dooday, isaga oo aan keenin ilo xog-ogaal ah.
Cali, oo isna dhaliilsan, ayaa Hodan ku eedeeyey ”munaafaqad” ku aaddan inay Sawaaxiliga ula dhaqmayso sidii af qalaad iyadoo iska indha tiraysa luuqadda English-ka oo tiiyoo aanay ahayn luuqadda rasmiga ah ee Soomaaliya, misna aysan Hodan ka caban marka ay mas’uuliyiintu adeegsadaan.
“Waxaan u baahan nahay inaan meesha ka saarno luuqadaha gumaysiga,” ayuu isna yiri Axmed Visin (X via @ahmedvision1.
Hadalsame Media