Bentegon-ka oo si kama’ ah u ”kashifay” sir uu Maraykanku qarinayey (Ruushka oo ka hadlay)

0

(Moscow) 04 Dis 2023 – Madaxa Pentagon-ka ee Lloyd Austin ayaa sida muuqata shaaca ka qaaday hadafka dhabta ah ee dalkiisu ka leeyahay taageerada joogtada ah ee uu siiyo Ukraine.

Taas ayaana wax shaqo ahna ku lahayn difaaca “dimoqraadiyadda” ama xitaa la dagaallanka Ruushka, laakiin wuxuu hoos ugu dhaadhacay inay tahay casriyaynta wershadaha millateri ee Maraykanka. Madaxwaynihii hore ee Ruushka ee Dmitry Medvedev ayaa sidaa yiri.

Medvedev oo haatan ah Ku Xigeenka Guddoonka Ammaanka Qaranka Ruushka ayaa X kusoo qaatay hadal uu Austin ka jeediyey madasha ammaanka ee Reagan National Defense Forum.

“Waxaan bilownay waxa ay ciidanku ugu yeereen ‘dadaalkii casriyaynta ahaa ee ugu hamiga badnaa ku dhowaad ​​40 sanadood” ayuu yiri madaxa Pentagon intii lagu guda jirey shirka.

“Qaar ka mid ah $50 bilyan oo ah codsigeenna miisaaniyadda kabka ah ayaa aadi doonta dhanka wershadaha difaaca. Taasina waxay abuuri doontaa ama taageeri doontaa tobannaan kun oo shaqooyin ah oo Maraykan ah oo ku firirsan in ka badan 30 gobol,” ayuu yiri isagoo faanaya.

“Taas waxaa ka mid ah samaynta gantaalada Arizona; baabuurta Wisconsin iyo Indiana; iyo madaafiicda Pennsylvania, Ohio, iyo Texas.” Ayuu daba dhigay.

Hadallada Xoghayaha Difaaca Maraykanka, oo laftiisu ahaa generaal ahaan howlgab noqday, ayaa si wax ku ool ah u dhiganta qirashada “yoolalka dhabta ah” ee Washington, ayuu ku dooday Medvedev, isagoo soo jeedinaya in “daacad hadalka” Austin laga yaabo inay si aan bareer ahayn daaha uga qaadday “sirta millateri” ee dhabta ah ee Maraykanka.

Waayo wuxuu guud ahaan si aan gabasho lahayn u sheegay sababta uu Maraykanku ugu lug leeyahay colaadda u dhaxaysa Ruushka iyo Ukraine iyo danta gaarka ah ee uu ka leeyahay, sida uu qabo MW hore.

“Maraykanka ma riixayo rabitaan ah inuu Ukraine ka caawiyo in “aanu ka tirtirmin khariidadda adduunka” mana laha jeeddo ah inuu u dagaallamo “dimlqraadiyad ka dhan ah kali-taliska, balse dantiisa ayuu cayrsanayaa.” ayuu yiri Medvedev.

Hadalsame Media