XOG MUHIM AH: Saxaafadda oo kashiftay in Maraykanku uu Israel siiyey bambo aad halis u ah & Nooceeda + Sawirro

0

(Washington, DC) 03 Dis 2023 – Maraykanka ayaa Israa’iil siiyay tiro badan oo ah bambooyinka dhufays-dhuleedyada lagu qarxiyo ee BLU-109 kaddib weerarkii 7-dii Oktoobar, sida ay Wall Street Journal werisey, iyagoo soo xiganaya saraakiil aan la magacaabin.¨

Warbaahintan ayaa tilmaantay in tiiyoo uu Maamulka Madaxwayne Joe Biden uu ugu baaqayey Israa’iil inay ”is xakameeyaan” dhanka howlgallada millateri ee ay ka wadaan Qasa misna wuxuu siinayey bambooyinka ugu xooggan ee lagu duqaynayey degaankaa go’doonsan.

Warbixin la mid ah oo kusoo baxday Bloomberg bishii hore, ayaa ku eedaysay Washington in lagu khasbay inay dhex gasho kaydkeeda hubka ee Maraykanka iyo Yurub si ay Israel ugu shixnadaan hub fara badan. Maraykanku se ma shaacin tirada hubka uu bixiyey.

Maqaalkeeda, WSJ waxay ku andacootey in tan iyo markii ay bilowdeen colaadahan kaddib duullaankii dhimashada badnaa ee Xamaas horraantii Oktoobar, uu Maraykanku uu soo raray Israel ku dhowaad 15,000 oo bambaanooyin ah, kuwaasoo ay ku jiraan 100 xabbo oo ah nooca cufkeedu yahay 2,000 oo rodol ee lagu qarxiyo dhufays-dhuleedyada baaca dheer.

Waxaa dabcan loogu talagalay inay gudaha u galaan dhufaysyada shubka ah waxaana horay u adeegsadey millateriga Maraykanka intii lagu jirey dagaalladii Khaliijka iyo Afgaanistaan.

Sida laga soo xigtey warbaahintan, Israa’iil waxay u badan tahay inay u baahan tahay bamka noocaan ah si ay u burburiso shabakadda hoose ee ballaaran ee ay Xamaas ku leedahay dhulka hoostiisa, kuwaasoo kooxdan la loodin la’yahay la rumaysan yahay inay ka hoos dhisteen guryo dabaqyo ah iyo kaabayaasha rayidka.

The Air Force's New 5,000-Pound Bunker Buster Bomb Breaks Cover

Hadalsame Media