Ruushka oo ku dhawaaqay inuu ballaarinayo ciidankiisa (2 tillaabo oo uu Maraykanku qaaday oo u sabab ah)

0

(Hadalsame) 03 Dis 2023 – Madaxwaynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Jimcihii saxiixay amar fulineed oo lagu kordhinayo tirada ciidamada qalabka sida ilaa 170,000 oo xubnood, kaasoo islamarkiibana dhaqangelaya.

Amarkan ayaa qeexaya in xajmiga ciidamada qalabka sida ee Ruushku uu noqonayo 2,209,130 oo askari, kuwaasoo 1,320,000 ka mid ah ay hubaysan yihiin oo rigli yihiin.

Ballaarinta ciidankani waxay la xiriirtaa khataro amni oo soo kordhay taasoo ay ugu wacan tahay is ballaarinta NATO iyo tirada ciidamada Maraykanku uu hoggaamiyo ee hoganaya xudduudaha Ruushka, Kremlin ayaa sharraxay.

Kordhinta ciidanku waxay u dhici doontaa qaab wejiyo ah waxayna ka bilaabmi doontaa xubnaha adeegga haatan loo diiwaangelinayo.

Tan iyo bilowgii 2023, in ka badan 450,000 oo qof ayaa maray qorista ku dhisan qandaraaska ee ciidamada qalabka sida ee Ruushka, sida uu sheegay guddoomiye ku xigeenka Golaha Amniga Qaranka, Dmitry Medvedev.

Askarta qandaraasyada ku yimaadaa waa qayb ka duwan askarta xirfadlayda ah iyo kuwa dhibboowga ah ee loogu yeeray adeeggooda khasabka ah, kuwaasoo ay ka kooban yihiin inta badan ciidamada Ruushku.

Moscow waxay sidoo kale u yeertay 300,000 oo askari oi kayd ah dayrtii hore, sababo la xiriira isbedelka dabeecadda iskahorimaadka Ukraine.

Putin waxa kale oo uu xusay in Maraykanku uu ku dhawaaqay in 200 oo ka mid ah bambaanooyinkooda Nukliyeerka ah ee hadda yaalla Yurub iyo Turkiga lagu beddelayo madaxyo cusub dhammaadka sannadka 2025.

Balaarinta baaxadda leh ee millateriga Ruushkuna waa tallaabo caqli-gal ah oo taasoo maskaxda lagu hayo la jaanqaadaysa, sida uu u dhigay.

Hadalsame Media