Nooca ay yihiin waalidiinta ay u badan tahay inay carruurtoodu dhimirka wax ka noqdaan oo la shaaciyey (Maxay daraasaddani ka ”sheegaysaa” Soomaalida?)

0

(Hadalsame) 03 Dis 2023 – Carruurta da’yarta ah ee waalidiinta liberaalka ah ayaa waxay u badan tahay inay la kulmaan dhibaatooyin la xiriira caafimaadka dhimirka, sida lagu sheegay daraasad uu daabacay Khamiistii Machadka Daraasaadka Qoyska ( Institute of Family Studies and Gallup).

Waalidiinta liberaaliga ahi waxay dabeecad u leeyihiin inaysan xiriir tayadiisu sarreeyso la lahay caruurtooda – taasoo ah waxa saamaynta ugu muhiimsan ku yeesha horumarka maskaxda iyo dhimirka ilmaha, sida lagu sheegay sahankan.

Qoraaga daraasaddan, Jonathan Rothwell, ayaa wuxuu xusay in “waalidiinta muxaafidka ah iyo kuwa aadka ugu dheggan dhaqanku ay u badan tahay inay qaataan dhaqammo waalidnimo oo wanaajin kara caafimaadka dhimirka ee dhalinyarada.”

“Waalidiinta liberaalka ahi waxay galeen halka ugu hooseeysa, sababtoo ah waxay u badan tahay inay aad u yar tahay inay si wanaagsan u edbiyaan carruurtooda,” sahanka ayaa lagu ogaadey.

”Taas bedelkeeda, waxay daraasaddu ogaatey in waalidiinta muxaafidka ahi ay aad ugu badan tahay inay u dhaqmaan si anshax leh iyagoo muujinaya kalgacal kana jawaabaya baahiyaha ilmaha.”

Farqiga natiijadu ma yara, sida lagu sheegay daraasaddan. Kaliya 55% carruurta waalidiinta liberaalka ah ayaa sheegay inay dhimir ahaan ku sugan yihiin xaalad wanaagsan ama aad u wanaagsan, marka la barbar dhigo 77% dhallinyarada ay dhaleen waalidiinta muxaafid ah ama aad ugu dheggan dhaqanku.

Marka daraasaddan laga amabaqaado ee la eego waxa ka socda baraha bulshada Soomaalida oo ay ka muuqdaan dad badan oo laga arki karo astaamo dhimir iyo dhaqan-xumo isla socda ah, waxaa xaqiiqo ah inay saamayn ku leedahay qaabka barbaarineed ee aan hagaagsanayn ee 30 + sano ee ugu dambeeyey ee ay Somalia kala lunsanayd, taasoo muujinaysa inay daraasaddani waaqici tahay.

Hadalsame Media