DAAWO: Qadar oo si xun u bahdishey MW Jarmanka oo booqasho ku tegey (Maxay qoonsadeen?)

0

(Dooxa) 03 Dis 2023 – Madaxwaynaha Jarmanka, Frank-Walter Steinmeier, ayaa booqasho ku tegey dalka Qadar, waxaase soo food saartay bahdil diblamaasiyadeed oo aan caadi ahayn, kaddib markii uu sugayey ku dhowaad 30 daqiiqo isagoo saaran diyaaraddii wefdigiisa ee ka degtey Dooxa, sida lagu sheegay warbixinta.

Waxaa uu ka degey garoonka oo tiiyoo lasii dhigay roogaggii casaa aanu misna joogin hal sarkaal oo ka socda nidaamka Qadar, isagoo soo maray Cumaan iyo Israel.

Waxaa la arkayey MW Jarmanka oo ku jactadsan diyaaradda albaabkeeda inta gacmaha isa saartay isagoo yaabban.

Waxaase markii dambe u yimid qof aan dhigankiisa ahayn oo misna haya xil aan micnw badan lahayn, kaasoo ahaa Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Qadar, Sultan Al Muraichai.

MW Frank-Walter Steinmeier ayaase ku baxay waqtigii uu safarka ugu talagalay kaddib markii uu la kulmay ninka ka taliya Qadar, Sh. Tamiim Bin Xamad Al Thaani.

Yeelkeede, Warqaadka Jarmanka kasoo baxa ee DW ayaa qoray inaan la hubin in Qadar ay arrintan kama’ u fashay iyo in ay ugu wacan tahay xiriirka sii xumaanayey ee labada dal.

Qadar ayaan jeclaysan hadalkii Wasiir Dibadeedka Jarmanka, Annalena Bearnock, oo booqashada 3-da saac qaadatay ee MW dalkaasi kahor u sheegtay ZDF “inaysan aqbali doonin taageerada “argagixisada”, mar ay ka hadlaysey mowqifka Qadar ee Xamaas oo uu madaxooda Ismaaciil Haniya ku nool yahay Qadar.

Hadalsame Media