Xukuumaddii hore door maku lahayd qaadista cunaqabataynta? + Muuqaal (Galal noocee ah ayuu Farmaajo ku wareejiyey MW Somalia + Arrin kale oo…?)

0

(Muqdisho) 02 Dis 2023 – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa shalay oo Jimce ahayd si aqlabiyad ah ugu codeeyey in meesha laga saaro xayiraaddii ugu dambaysey ee hubka la siiyo Dowladda Soomaaliya iyo ciidamada ammaanka, in ka badan 30 sano kaddib markii cunaqabataynta hubka lagu soo rogay dalka.

Haddaba, qaadista cunaqabatayntan oo ku astaysnayd qaraarkii caan badan ee 733 oo soo baxay 1992-kii, ayaa ahayd caqabadda hor taagnayd Dowladda Somalia tan iyo markii Jibuuti dib loogu yagleelay 2000, waxaana soconayey dadaallo ay wadeen madaxdii Somalia soo martay.

Waxaa madaxdaa ka mid ahaa MW hore ee Somalia, Maxamed Farmaajo & Xukuumaddiisii oo sida uu isagu afkiisa ka sheegay xilligii xil-wareejinta 4 gal oo ay ka mid ahayd qaadista cunaqabataynta oo QM lagala xaajoonayey ku wareejiyey MW haatan ee Xasan Sheekh. Waxaa ka mid ahaa:

Galkii uu maalinkii xilwareejinta Farmaajo ku wareejiyay Xasan ee shaqada hufan laga qabtay waxaa kamid ahaa;

  • Galka cunaqabataynta hubka
  • Galka uu asbuucii hore Xasan uga hor faanay baarlamaanka ee ahaa; inaan u tartameeyno sidii aan xubin uga noqon laheeyn Golaha Ammaanka, weliba Somalia waxaa ku qabsatay Kenya oo markii dambe heshay.
  • Qaan cafinta oo uu Farmaajo 4 heer soo marsiiyey hal heer oo kali ahna Xasan lugu wareejiyey.
  • Kaarka Aqoonsiga (National ID)

Halkan hoose ka DAAWO…

Hadalsame Media