(Muqdisho) 02 Dis 2023 – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa shalay oo Jimce ahayd si aqlabiyad ah ugu codeeyey in meesha laga saaro xayiraaddii ugu dambaysey ee hubka la siiyo Dowladda Soomaaliya iyo ciidamada ammaanka, in ka badan 30 sano kaddib markii cunaqabataynta hubka lagu soo rogay dalka.
Dalalka dunida ayaa durba bilaabay inay ka fal-celiyaan tillaabadan cusub oo imanaysa 31 sano kaddib markii dalka Somalia laga mamnuucay in si rasmi ah loo siiyo ama ay usoo iibsadaan hub culus. Waxaa soo hadlay Ruushka & Shiinaha.
Anna M. Evstigneeva oo ah Danjire-xigeenka Ruushka ee QM ayaa ka dhawaajisay shaki ku saabsan waxtarka cunaqabataynta ku meel gaadrka ah ee la saaro dalalka Afrika, waxayna ku baaqday in dib u eegis lagu sameeyo. Waxay ku doodday in cunaqabatayntan ay caqabad ku tahay horumarka sharciga iyo amniga qaranka, iyadoo shaki ka muujisay sida loo qoro shirkado gaar ah oo la sheego inay ammaanka ka shaqeeyaan oo hubka loo fasaxo, tiiyoo aanu Golaha Ammaanku haynin liiskooda rasmiga ah.
“Waxaan filaynaa in Muqdisho ay arrintan u wajihi doonto si mas’uuliyadi ku jirto, oo aanay ogolaan doonin in tartan hubayn ciidan uu dhaco,” ayay hadalkeeda ku dartay.
Dai Bing oo Danjire-xigeenka Shiinaha ee isla QM ayaa muujiyey kalsoonida uu ku qabo awoodda Soomaaliya ay u leedahay in ay xoojiso awood-dhisidda amniga.
Si kastaba ha ahaatee, waxa uu sidoo kale tilmaamay in qaraarku uu weli soo rogayo tillaabooyin xaddidaad gaar ah saaraya Somalia islamarkaana dhaafis gaar ah siinaya qaar ka mid ah waddammada reer Galbeedka, isagoo taas ka muujiyey walaac ku saabsan inay jirto ”laba-wejiilayn.”
Lana Zaki Nusseibeh oo dalka Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhisa QM ayaa ku nuuxnuuxsatay muhiimadda uu qaraarkani u leeyahay taageeridda dadaallada socda ee lagu adkaynayo nabadda Soomaaliya, iyadoo ugu baaqday beesha caalamka inay abuuraan xaalado dalka Somalia loogu samaynayo dib u soo kabasho dhaqaale iyo kobac dhaqaale si uu dalku u koro.
Hadalsame Media