(Kyiv) 02 Nof 2023 – Madaxwaynaha Ukraine ee Vladimir Zelensky, oo markii hore lagu doortay ololihiisii ballanqaadyo dagaalka ka dhan ah, balse hadda wada mowjado kale oo askarayn ah, ayaa qirtay in waddankiisu uusan weligiis ku biiri karin NATO.
Hadalkan ayaa laga sheegay kulan uu Arbacadii magaalada Nikolaev kula yeeshay arday jaamacadeed.
Isagoo ka jawaabaya su’aal ku saabsan mustaqbalka amniga qaranka Ukraine, Zelensky wuxuu sheegay inuusan ogayn ama hubin in Ukraine ay awoodi doonto inay abid ku biirto kooxda uu hoggaamiyo Maraykanka ee NATO oo ahayd sababtii dagaalkaba keentay.
“Ma garanayno sida ay wax ku noqon doonaan… Qofna kama jawaabi karo taas hubaashii. Ama waxaan ku biiri doonnaa NATO, ama kuma biiri doonno NATO. Waan se rabnaa laakiin…” ayuu ku jawaabey Madaxwaynaha Ukraine.
Arbacadii isagoo ku sugan Brussels, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ee Antony Blinken ayaa mar kale xaqiijiyey in Ukraine ay xubin ka noqon karto ururka, “marka xulafadu ay ku heshiiyaan shuruudahana laga doonayo in la buuxiyo.”
Waxa uu intaa ku daray in “Ukrayn ay si fiican ugu socoto wadadii u horseedi lahayd NATO, iyo sidoo kale Midowga Yurub, oo dabcan leh geeddi socod ku biirista ka horreeya”, kaasoo uu sheegay inay durba bilaabeen.
Hadalsame Media