Diyaaradda ugu casrisan Maraykanka oo uu ka adkaaday shimbir gorgor ah ($140 bilyan oo khasaare ah)

0

(Hadalsame) 02 Dis 2023 – Diyaaradda calanka u sidda kuwa guuxooda ka dheereeya ee jiilka shanaad ee dagaalka Maraykanka ayaa dhacdo yaab leh kula kulantay Kuuriyada Koonfureed:

Ciidanka Cirka ee Kuuriyada Koonfureed ayaa go’aansaday inay ka takhallusaan diyaarad ah F-35A oo ay waxyeello kasoo gaartey markii uu sannadkii hore ku dhacay gorgor, sababtoo ah dayactirkeeda ayaa ku kici doona lacag ka badan $85 milyan oo Doollar in lasoo iibsado mid cusub.

Go’aankan ayaa lagu dhawaaqay Jimcihii shalay, markii Ciidanka Cirka ay shaaca ka qaadeen in qiimayn lagu sameeyey diyaaradda burburtay ay muujisay in dayactirka ay ku kacayso ugu yaraan $140 bilyan oo Doollar ayna qaadan doonto afar sano in la dhammaystiro.

Shirkadda sameeysa diyaaradda, oo ah qandaraaslaha difaaca Maraykanka ee Lockheed Martin, ayaa gacan ka gaysatey dib u eegista, taasoo lagu ogaaday in shimbirtu ay waxyeello u gaysatey ilaa 300 oo meelood, oo ay ku jiraan matoorka, nidaamka socodka iyo oogada diyaaradda.

Saraakiisha Maraykanka ayaa ku tilmaamay diyaaradda F-35 inay tahay diyaarada ugu casrisan caalamka uguna horumarsan diyaaradaha raadaarka ka dhuunta waxaana ay ka iibiyeen in ka badan 12 dal oo ah xulafadooda caalamka.

Noocyada kala duwan ee “A” ayaa ah kuwa ugu badan waxaana loogu talagalay inay ka duulaan dhabbaha dayuuradaha ee caadiga ah, halka qaarna ay u duuli karaan si joog ah, iyagoo aan u baahnayn dhabbe garoon oo rasmi ah.

Kuuriyada Koonfureed waxay hadda haysataa illa 40 oo xabbo ah oo F-35A, waxaana u dalban ilaa 25 kale.

Ciidanka Cirka ayaa sheegay inay diyaarin doonaan qaab ay uga faa’idaystaan diyaaradaasi howlgabka laga dhigay, sida in looga faa’iidaysto tababarka makaanikada diyaaraddan.

Hadalsame Media