(Stockholm) 01 Dis 2023 – Iskool hoose dhexe oo ay dhiganayeen arday muslimiin ah kaasoo ku yaalla Xaafada Kista ee u dhow Xaafada Rinkeby ay Soomaalidu u badan tahay ayaa albaabada loo laabay.
Hay’adda Kormeerka Dugsiyada ayaa rukhsaddii kala noqotay shirkadda ALM Education, taasoo maamusha dugsiga caalamiga ah ee Cordoba ee magaalada Stockholm. Sida laga soo xigtey maamulka, iyagoo ku doodaya in ardayda dugsigu ay halis ugu jiraan in la xagjireeyo.
Hay’adda Skolinspektionen ayaa sheegtay inay shatigii kala noqotay iskuulkan, balse ardayda dhiganaysa fasalka 1 aad ilaa fasalka 9 aad oo tiradoodu ay dhan tahay 516 arday ah ayaa walaac laga muujiyey halka ay aadayaan kaddib xiritaanka iskoolka.
Haweeney ka socota Qaybta Kormeerka Iskoollada ee Skolinspektionen ayaa ku doodday in warbixin uga timid Booliiska Nabadsugida ee SÄPO loogu sheegay in qof ka shaqeeya iskoolku uu yahay xagjir islaam ah.
Waa iskoolkii 8-aad ee ay leeyihiin Muslimiinta oo laga xiro dalka Sweden 4 tii sano ee igu dambaysey, iyadoo ay waalidiintu sheegeen inay ka naxsan yihiin go’aanka.
Dugsigu wuxuu haystaa saddex toddobaad inuu rafcaan kaga qaato go’aanka. Waxaana maamulaha waxbarashada ALM ee Ulla Parkkinen ay sheegtay inay sidaa samayn doonaan.
Hadalsame Media