”Waxaan ugu talagalnay agab & Tababar” – Midowga Yurub oo lacag uu siinayo Ciidanka Xoogga Dalka meel mariyey

0

(Muqdisho) 29 Nof 2023 – Golaha maamula EU ayaa wuxuu maanta meel mariyey lacag dhan €1 milyan oo Yuuro, taasoo hoos imanaysa Xarunta Nabadda ee Yurub, si loogu taageero Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo loo siinayo qalab ciidan oo siin kara awood wax-ku-ool ah.

”Iyadoo la eegayo taageerada dheeriga ah ee maanta, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) ayaa heli doonaa qalab iyo tababar wanaagsan.

”Midowga Yurub waxaa ka go’an inuu ka caawiyo XDS si ay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda howlgallada ammaanka ee Soomaaliya. Danteenna wadajirka ah ayaa weli ah amniga iyo xasilloonida dalkaasi,” ayuu yiri Josep Borrell, Wakiilka Sare ee Arrimaha Dibedda iyo Siyaasadda Amniga EU.

Kaalmadan ayaa lagu xoojin doonaa tayada Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee lagu tababari doono Xarunta Tababarka ee Jeneraal Dhegabadan, si loo soo celiyo amniga iyo amniga dalka, loona ilaaliyo shacabka, ayaa lagu yiri bayaanka EU.

Iyadoo loo marayo tillaabadan kaalmada ah, Midowga Yurub wuxuu bixin doonaa rasaas loo isticmaali doono oo keliya in lagu tababaro Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyadoo lala kaashanayo Howlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya islamarkaana si buuxda loo ixtiraamayo sharciga caalamiga ah ee arrimahaa khuseeya, gaar ahaan sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha iyo sharciga caalamiga ah ee bini’aadannimada, sida ay sheegeen.

Taageeradan kor-u-qaadista ah ee loo marayo Howlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa waxaa ku lamaanan €69 milyan oo Yuuro oo qalab iyo sahay ah oo la gaarsiiyey Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed tan iyo 2019-kii, waxayna weli lagama maarmaan u tahay in Soomaaliya ay si wanaagsan u hanato amnigeeda.

Si kastaba, weli ma jiro dal ka tirsan EU oo CXD Somalia siiyey agab ciidan oo la taaban karo, marka laga reebo dalka Talyaaniga oo dhowr mar gaadiid ciidanka qaada siiyey Somalia.

Hadalsame Media