Somalia oo berri 3 fursadood kusoo bixi karta & Ogaysiis ku socda taageerayaasha Somalia

0

(Kakamega) 30 Nof 2023 – Waxaa berri marka ay amintu tahay 15:00 gegada Kakamega Stadium ku ballansan Kenya iyo Somalia oo ku wada midaysan Group A ee tartanka Bariga & Bartamaha Afrika ee 18-jirrada, taasoo muhim u ah Somalia oo aan weli soo bixin, halka ay Kenya soo baxday.

Somaaliya ayaa kaalinta 2-aad kaga jirta kala sararynta Group A ee tartanka CECAFA U18, waxayna kaalmo kaga baahan tahay xulka Sudan oo laakiin ah midka ugu jilicsan guruubkan oo isna wajahaya Rwanda oo 3 dhibcood leh.

Xulka Somalia ayaa haysta dhowr fursadood oo uu kusoo bixi karo sida badis iyo barbarro, xitaa guuldarro, balse mar kasta waa in xisaabta lagu daraa natiijada Xulka Rwanda. Waxay kusoo baxdaa:

  • Inay badiso
  • Barbarro inay gasho balse Rwanda na bareejo lagu lagu qabto
  • Rwanda oo iyana la garaaco haddi lacalla Somalia laga badiyo

Si kastaba, macallinka Xulka Kenya ayaa caddeeyey inaysan roog cas u fidin doonin Somalia oo waloow ay soo bexeen iyagu ay misna si adag ula dheeli doonaan. Halkan ka aqri…

Dhanka kale, Xiriirka Somalia ee SFF ayaa taageerayaasha Xulka Qaranka Soomaaliyeed waxaan ku wargeliyeen in garoonka berrito ay ka dhici doonto ciyaarta Kenya vs Somalia ee magaalada Kakamega lagu geli doono lacag sababo amaan awgood, sida ay sheegeen.

Qiimaha VIP-du waa 300 Ksh

Qaybaha kale oo dhan qiimuhu waa 100 Ksh.

Hadalsame Media