Dugsiyada UK oo todobaadka soo socda laga hirgeliyo nidaam cusub oo dhaqan-xumo ah oo aysan jeclaysan doonin Soomaalidu

0

(London) 30 Nof 2023 – Waxaa soo socda go’aan aanay ku farxi doonin Soomaali badan oo dalkaa ku dhaqan iyo sidoo kale dadka Muslimiinta ah, ama xitaa dadka muxaafidka ah ee diimaha kale haysta.

Ardayda dugsiyada UK ayaa awood loo siinayaa inay xirthaan dirayska jinsiga kasoo horjeeda sida inuu wiilku qaato dhar gabdheed iyo cagsigeeda iyo xitaa inay doortaan magac-u-yaal ama magac kale, sida ku cad hagidda rasmiga ah ee soo socota, sida uu qoray The Times.

Wargaysku waxa uu sheegay in dokumentigan la filayo inay Dowladda Ingiriisku ay soo saarto isla toddobaadka soo socda.

Waxaa lagu soo warramayaa in hab-raacan cusub uu ku talin doono in carruurta loo ogolaado inay “bulsho ahaan ay ka gudbaan ogolaanshaha haatan ku xiran waalidkood” oo lagu koobo kaliya “xaalado xaddidan.”

Waxaana jiri doona “qaab wax ku ool ah oo ka dhan ah dhaqankaa soo jireenka ah ee ku dhisan in waalidka ogolaansho la waydiiyo”, Times ayaa qortay, iyadoo soo xiganaysa ilo dowladeed oo rasmi ah, balse aan la carrab dhabin.

Hagitaanka cusubi wuxuu si cad ugu sheegi doonaa in macalimiintu aanay ahayn inay “ku khasbaan” carruurta magacoodii haddii ay magac-u-yaal kale doortaan, sida inuu wiilku qaato magac gabdheed ama ay gabadhu mid kale qaadato, amaba xitaa magac u yaal aan jinsi gaar ah sheegayn (sex-free).

Kemi Badenoch, Wasiirka Haweenka iyo Sinnaanta UK, ayaa soo jeedisey in carruurtu ay la tashadaan dhakhaatiir kahor inta aan loo oggolaan inay u gudbaan wax ay ku sheegtay ”dhinaca kale”.

Si kastaba ha ahaatee, fikradeeda waa la diidey waase diidmo farsamo oo qura, kaddib markii Waaxda Caafimaadku ay sheegtay in aysan bixin karin shaqaale caafimaad oo ku filan si ay ugala taliyaan in carruurta loo ogolaan karo inay sidaas sameeyaan, sida ay warbaahinta The Times sheegtay.

Sidoo kale, maqaalku wuxuu xusay in taladan cusub ay ahayd in la daabaco dhammaadka xilli-dugsiyeedkii xagaagii, balse dib u dhac ayaa ku yimid aragtiyaha iska soo horjeeda ee wasiirrada UK darteed, gaar ahaan nidaamka muxaafidka ah ee haatan ka taliya UK.

Bishii la soo dhaafay, Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska ee Rishi Sunak ayaa bishii hore sheegay in “inaanan loogu cagajuglayn karin aaminaadda in dadku ay noqon karaan jinsi kasta oo ay rabaan, isagoo yiri “ninku waa nin, naagtuna waa naag. Taasi waa caqli-guud uun.”

Hadalka Sunak ayaa yimid wax yar kaddib markii Xoghayaha Caafimaadka ee Steve Barclay uu soo jeediyey qorshe lagu mamnuucayo in ”haweenka” trans-genderka sheegta lagu daweeyo qaybaha isbitaalka ee u gaar ah dumarka, maadaama uu qofku yahay nin naag sheeganaya.

Hadalsame Media