(Hadalsame) 29 Nof 2023 – Waxaa dunida horumartay ku badan burburka qoyska iyo sidoo kale dadka kaligood nool ama aan carruurta badan lahayn, taasoo haatan dalalka qaarkood gayaysiisey in loogu yeero ”dalalka cirrada ah”, maadaama uu waayeelku ku badan yahay tafiirta cusubina ku yaraatay.
”Qoysaska leh carruurta badani waa inuu noqdaan isbeddel cusub oo ku dhaca Ruushka casriga ah,” ayuu soo jeediyey Madaxwayne Vladimir Putin Talaadadii, isaga oo ku adkaystay in gaaritaanka yoolkan uu noqdo mudnaanta koowaad ee dowladda.
Isagoo ka hadlayey Golaha Shacbiga Adduunka ee Ruushka ah – oo ah madal ay agaasinto kaniisadda Ortodokska ee Ruushka – si looga hadlo mustaqbalka waddankaasi, Putin wuxuu si gaar ah diiradda u saaray muhiimada qiyamka qoyska.
“Qoysaska waawayni waa inay noo noqdaan caado, iyo hab nololeed loogu talagalay dhammaan dadyowga Ruushka,” ayuu yiri, isagoo ku sifeeyey qoyska in aanu keliya ahayn tiirka ay dowladda iyo bulshadu ku taagan yihiin, laakiin uu sidoo kale yahay “Isha anshaxa.”
Putin wuxuu sii waday inuu gocdo in kooxo badan oo ka mid ah qowmiyadaha Ruushku ay ilaaliyeen dhaqanka ah inay yeeshaan “qoysaska ballaaran oo soo jirey jil ka jiil” kuwaasoo leh ugu yaraan afar ama shan carruur ah.
“Qoysaska Ruushka, qaar badan oo ka mid ah awoowayaalkeen iyo ayeeyooyinkeen ayaa lahaa toddobo, siddeed, ama xitaa carruur ka badan.” ayuu tilmaamay, isagoo ku boorriyey qof walba inuu “dib usoo nooleeyo caadooyinkaa wanaagsan.”
Saraakiisha Ruushku ayaa waxay sannado badan isku dayayeen inay hagaajiyaan waxa ay ku tilmaameen xaalad “liidata”, iyadoo tirakoobyada dalku ay muujiyeen heerka dhalmada oo hoos u dhacaysa, taasoo ay ku jirto inay waalidiinta siiyaan dhiirrigelin dhowr kun oo doollar ah.
Waxaa barnaamijkan oo la bilaabay 2007dii, kab ay bixinayso DF uu u oggolaanayaa qoysaska inay helaan lacag lagu siinayo ilmo kasta oo dhasha.
Hadalsame Media