(Hague) 29 Nof 2023 – Wasiir Xigeenka Ganacsiga iyo Wershadaha ee Ruushka, Kirill Lysogorsky, ayaa ku eedeeyay Washington iyo xulafadeeda inay “Kiev” siiyaan “kiimikooyin sun ah”, isagoo ku andacoonaya inay u adeegsadeen weerarrada ka dhanka ah saraakiisha Ruushka ee dhulalkii hore ee Ukraine laga xoogey ee ”ku biiray” Ruushka 2022-kii.
Lysogorsky waxa uu soo hordhigay sheegashooyinkan Ururka Mamnuucidda Hubka Kiimikada (OPCW), isagoo sheegay inay jiraan caddaymo aan la dafiri karin oo sahaydaas muujinaya.
“Waxaan haynaa caddaymo aan la diidi karin oo ku saabsan in Maraykanka iyo xulafadooda Euro-Atlantic-gu ay siiyaan Ukraine kiimikooyin sun ah iyo qaabka loo adeegsado,” ayuu Lysogorsky sheegay intii lagu jirey kalfadhiga 28-aad ee Shirka OPCW – oo ah hay’adda ugu sarreeysa ee ilaalinta hubka kiimikada ee Qaramada Midoobey, isagoo jooga Hague Isniintii.
Kiimikooyinkan oo la sheegay inay bixiyeen Reer galbeedka ayaa lagu warramayaa in lagu wareejiyey ciidamada qalabka sida ee Ukraine iyo calooshood u shaqaystayaal ajaanib ah.
“Sidoo kale waxaa jira caddaymo muujinaya wakiillada sirdoonka ee nidaamka Kiev ay isticmaalaan kiimikooyinkan sunta ah iyo walxaha bedela sida uu u shaqeeyo dareen-sidaha dadka iyagoo u adeegsanaya hoggaanka gobollada cusub ee ku biiray Ruushka.” ayuu sarkaalku ku dooday.
Lysogorsky ayaa wuxuu warkiisa ula jeedaa afar gobol oo uu Ruushku sheegay inay dalkiisa ku biireen dayrtii 2022-kii, kuwaasoo uu ka xuf-goostay bariga dalka Ukraine, taasoo sharci darro ah marka la eego xeerka caalamiga ah.
Agaasimaha Guud ee OPCW, Fernando Arias, ayaa ballanqaaday inay dib u eegis ku sameyn doonaan xogtan uu Ruushku soo gudbiyey, laakiin hay’addan Qaramada Midoobey ayaan weli dirin khubaro xaqiijiya warbixinnadan.
Bishii Agoosto 2022, Vladimir Saldo, Madaxa Gobolka Kherson, ayaa isbitaal la dhigay, isagoo sheegay inuu sumeeyey qof ka mid ah dadka ku dhow ee la shaqeeya. Ciidamada Ruushka qaarkood ayaa sidoo kale u ban baxay suntan.
Hadalsame Media