(Nairobi) 29 Nof 2023 – Waxaa dib u bilowday duullimaadyadii Kenyan Airway oo si ku meel gaar ah u hakaday Agoosto 2020 si loo yareeyo fiditaanka fayraska Corona.
Duullimaadka ayaa wejiga hore waxa uu dib ugy bilaabmi doonaa iyadoo 3 duullimaad oo toddobaadle ah lagu tegayo Muqdisho ka bilow 14-ka bisha Febraayo 2024.
Julius Thairu, oo ah Madaxa Ganacsiga iyo Macmiilka ee Kenya Airways oo ka hadlaya duulimaadka, ayaa yiri;
“Waxaan aad u xiisaynaynaa suurtagalnimada in dib loo yagleelo xiriirkii duullimaad ee Muqdisho iyo Nairobi iyada oo loo qaadanayo KQ.
“Tallaabadan ayaa la xiriirta ganacsiga sii kordhaya iyo isu socodka dhanka hawada ee Kenya iyo Soomaaliya. Diyaaradda Kenya Airways waxaa ka go’an inay macaamiisheenna siiso adeeg tayo sare leh, anagoo ka wada shaqaynayna sidii aan u kobcin lahayn ganacsiga iyo maalgashiga si loo helo kobac joogto ah.” Ayuu raaciyey.
Dib-u-soo-celinta duullimaadyada Muqdisho waa qayb ka mid ah istaraatiijiyadda ballaarinta shabakadda Kenya Airways iyo qorshe looga golleeyahay horumarinta isku xirka qaaradda Afrika si ay gacan uga gaystaan horumarka dhaqaale ee mustaqbalka fog.
KQ ayaa tirtay qoraal ay horay ugu sheegtay in tigidhadan lagu jarayo 1050 Doollar.
Hadalsame Media