WEJI CUSUB: W. Kuuriya oo sheegtay inay dayax gacmeed ku sawirtay Aqalka Cad & goobo aad xasaasi u ah oo kale

0

(Pyongyang) 28 Nof 2023 – Kuuriyada Woqooyi ayaa ku andacoonaya inay qaadday sawirrada Aqalka Cad iyo goobo kala duwan oo xasaasi ah oo ay leeyihiin ciidamada Maraykanku, iyagoo adeegsanaya dayax gacmeed cusub oo wax basaasa, kaasoo ay hore u sheegtay in lagu kormeeri doono Ciidamada Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed.

Faallo ay faafisay Wakaaladda Warbaahinta Dhexe ee Kuuriyada Koonfureed ee (KCNA) ee ay dowladdu maamusho Talaadadan, Pyongyang waxay sheegtay in hoggaamiyaha dalkaas, Kim Jong-un, uu eegay sawirrada dayax-gacmeedka ee laga qaaday ciidammada Maraykanka iyo xarumaha dowladda ee “gobollada waawayn ee la bartilmaameedsanayo,” kuwaasoo ay ku jiraan Pentagon-ka iyo xataa Aqalka Cad laftiisa.

“Jaalle Kim Jong-un ayaa muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay horumarka guusha leh ee mashruuca diyaarinta howlgalka dayax-gacmeedka sahanka ee ‘Manrikyeong-1,’ kaasoo ku dhow inuu bilaabo howshiisa rasmiga ah.” ayay sheegtay Wakaaladdu.

Waxa ay intaa ku dartay in dayax gacmeedku uu sidoo kale sawiray saldhigga Ciidamada Cirka ee Maraykanka ee Andersen oo ku yaalla jasiiradda Pacific-ga ee Guam, laba xarumood oo ciidamada badda ah, iyo garoon diyaaradeed oo ku yaala gobolka Virginia, iyo sidoo kale meelo muhim ah oo ka mid ah caasimadda Talyaaniga ee Roma.

KCNA ayaa sidoo kale sheegtay in “afar ka mid ah maraakiibta diyaaradaha xambaara ee Nukliyeerka ee ciidamada badda Maraykanka iyo hal diyaarad xambaare British ah lagu sawiray” dayax gacmeedka wax ka sawiray hawada sare ee gobolka Virginia, sida ay sheegtay KCNA.

Hadalsame Media