(Hadalsame) 28 Nof 2023 – Somalia ayaa noqonaysa dalkii ugu horreeyey ee ka faa’iidaysta hindise gargaar oo cusub oo uu Ruushku ka samaynayo Afrika, taasoo uu ballanqaaday bartamihii sanadkan.
Markab sida 25,000 oo tan oo qamadi gargaar bini’aadminnimo ah oo laga keenay dalka Ruushka ayaa maalmaha soo socda imaan doona Soomaaliya, sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka SONNA oo ay xigteen warbaahinta Ruushka ee RT.
Safiirka Ruushka u fadhiya dalalka Jabuuti iyo Soomaaliya, Mikhail Golovanov, ayaa Sabtigii gaarey magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kahor imaanshaha shixnadda Ruushka, si uu ugu hibeeyo DF Soomaaliya raashinkan mucaawinada ah, sida ay horay u sheegtay warbaahinta dowladdu.
Danjiraha ayaa waxaa Sabtigii Garoonka Diyaaradaha Muqdisho kusoo dhoweeyey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya, Daa’uud Aweis Jaamac iyo Agaasimaha Waaxda Yurub ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda C/raxmaan Nuur Maxamed (Diinaari). Waxaanay mahadnaq iyo bogaadin u soo jeediyeen dowladda iyo shacabka Ruushka oo ay si wayn u garab istaagey Soomaaliya.
Xukuumadda Moscow ayaa ballanqaaday inay gargaar cunto ah siinayso dalalka Afrika, taasoo qayb ka ah heshiiskii uu Madaxwayne Vladimir Putin kaga dhawaaqay shirkii Ruushka iyo Afrika ee bishii Luulyo ka dhacay magaalada St. Petersburg.
Horraantii bishan, Wasiirka Beeraha ee Ruushka, Dmitry Patrushev, ayaa sheegay in labo shixnad oo badar bilaash ah ay u ambabaxeen Burkina Faso iyo Soomaaliya, wuxuuna sheegay in horraanta bisha soo socota ay gaari doonaan labadan dal.
Shixnado dheeri ah oo lagu gaynayo Eritrea, Zimbabwe, Mali, iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa la qoondeeyey inay yimaadaan dhammaadka sanadkan. Sida uu sheegay Patrushev, ilaa 200,000 oo tan oo badar ah ayaa la gayn doonaa lixdan waddan ee Afrikaanka ah ee ay soo food saartay cunto yaridu.
Dalkeenna oo dabiiciyan hodon ah ayaa 70 sano oo uu xor ahaa aan marna ka bixin gacan hoorsi, taasoo ay qayb ahaan ugu wacan tahay siyaasad aan han iyo horusocod lahayn oo dalkaa lagu maamulayo muddo aad u dheer.
Hadalsame Media