Ruushka oo raadinaya Afhayeenka Facebook (Liiska madow oo lagu daray & Waxa lagu haysto?)

0

(Moscow) 28 Nof 2023 – Andy Stone, oo ah afhayeenka shirkadda Meta Tech, oo leh Facebook, Instagram iyo WhatsApp, ayaa la geliyey liiska madow ee dadka laga raadinayo Ruushka (Wanted list), sida laga soo xigtey xog-sidaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaas.

Izvestia, Ria-Novosti iyo warbaahinno kale oo Ruushan ah ayaa sheegay in magaca Stone hadda laga heli karo kayd-xogeed Wasaaradda. Faylkiisa ayaa lagu qoray in muwaadinkan Maraykanka loo raadiyo kiis dembiyeed, laakiin ma muujinayo faahfaahin dheeraad ah.

Meta ayaa waxaa lagu asteeyey urur xag jir ah oo ka jira Ruushka wax yar uun kaddib markii uu bilowday dagaalka Ukraine Febraayo 2022-kii.

Barnaamijyadeeda, Facebook iyo Instagram, ayaa laga xannibay dalkaasi sababtoo ah waxay oggolaadeen hadallada nacaybka ah ee ka dhanka ah muwaadiniinta Ruushka iyo inay qaybiyeen xogo loo arkay inay been abuur yihiin oo ku saabsan millateriga Moscow.

WhatsApp iyada lama ganaaxin oo xannibaado lama saarin sababtoo ah waxaa lagu sifeeyay inay tahay agab isgaarsiineed oo lagu xiriiro oo keliya.

Bishii Maarso 2022-kii, Reuters ayaa soo werisay kaddib markii ay dib u eegtay email-ada gudaha ee Meta in shirkadu ay go’aansatay inay si ku meel gaar ah u khafiifiso shuruucdeeda wadammada qaar si ay ugu oggolaato in isticmaalayaasha Facebook iyo Instagram ay ku baaqaan rabshado ka dhan ah Ruushka iyo askarta Ruushka ee dagaalka millateri ka wada waddanka ee Ukraine.

Hadalsame Media