(Tel Aviv) 28 Nof 2023 – Israa’iil ma hayso doorasho aan ahayn “inay burburiso Xamaas,” ayuu yiri Elon Musk Isniintii kaddib markii uu hoggaanka dalkaas kula kulmay Galbeedka Quddus. Milkiilaha X (oo hore u ahaan jirey Twitter) ayaa u safray Bariga Dhexe kaddib markii dadka wax dhaleeceeya ee Maraykanku ay ku eedeeyeen ”Yuhuud nacayb.”
Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa Musk geeyey Kfar Aza, oo ah bulsho deggan koonfurta dhulka ay haysato Israa’iil halkaasoo ay Xamaas ku qaadday duullaankii 7-dii Oktoobar, wuxuuna u shiday filim 44-daqiiqo ah oo ay Israa’iil ka diyaarisay wax ay ku sheegya ”xadgudubyo” lagu eedeeyey kooxda Falastiin.
Booqashada kaddib, Netanyahu waxa uu martigeliyay “space” cod ah oo lagu qabtay X, kaasoo uu kala hadlay Musk waxa ay samaynayso dowladda Israel isagoo Xamaas ku tilmaamay “firqadii geerida” oo ku gabanaysa gadaasha dadka rayidka ah ee Gaza. Intii ay socotey baahintu, Musk wuxuu ku raacay inta badan doodaha Netanyahu.
“Haddii aad rabto ammaan, nabad, iyo nolol dhaanta oo reer Qasa helaan, markaa waxaad u baahan tahay inaad burburiso Xamaas. Marka hore waa inaad ka takhallustaa nidaamkan sunta ah sidii laga sameeyey Jarmanka iyo Japan,” ayuu yiri Netanyahu.
Muska ayaa isna isagoo warka ka koobinaya mowqifkiisa muujiyey isagoo leh: “Ma jirto wax doorasho ah,” Musk ayaa ku jawaabey, isagoo raaciyey, “Waxaad u baahan tahay inaad ka adkaato oo aad meesha ka saarto argagixisada iyo kuwa damacsan dilka, islamarkaana aad caawiso kuwa haray, taasoo ah wixii ka dhacay Jarmanka iyo Japan.”
Musk ayay xitaa yaab lahayd in intii ay dooddu socotey uu mudaaharaadyada lagu diiddan yahay xasuuqa Qasa ee ka dhacay magaalooyin waawayn uu ku tilmaamay kuwo lagu taageerayo Xamaas.
— Benjamin Netanyahu – בנימין נתניהו (@netanyahu) November 27, 2023
Hadalsame Media