Waxaa loo qabtay inuu hooyadii 25 jeer faas ku dhuftay (Go’aan yaab leh oo iminka soo baxay)

0

(Växjö) 27 Nof 2023 – Nin 35 jir ah oo lagu soo oogey inuu hooyadii ku diley magaalada Växjö labo iyo toban sano kahor ayaa waxaa sii deysay maxkamada degmada Växjö ee Växjö tingsrätt iyadoo sheegtay inaan lagu helin wax dembi ah.

Booliisku waxay ninkan u adeegsadeen qaab looga hadashiinayo dad wax kale iska dhigaya si uu ninkani wax uun ugu sheego dilka, laakiin maxkamaddu waxaa uma aragto cadaymo sax ah.

Bishii Maarso ee 2011-kii ayay ahayd markii haweeneydan oo xilligaa 58 jir ahayd oo mayd ah laga helay garaash ku yaalla guriga qoyska ee Växjö. Ugu yaraan 25 jeer ayaa faas lagu dhuftay.

Xeer-ilaalintu waxay ugu horreyntii dacwadda ku salaysay caddayn duruufeed. Maxkamadda degmada Växjö ayaase diidmo ka keentay cadaymaha noocan ah, taasoo ay ku doodday inaysan wiilka si rasmi ah ugu caddaynaynin dembiga, waxayna soo gabagabeeysey in dembiga dilka aan loo xukumi karin wiilka oo la tuhunsanaa.

Hadalsame Media