(Hadalsame) 27 Nof 2023 – Benjamin Netanyahu ayaa wuxuu “rabitaan sirgaxan u hayey” kooxda Falastiiniyiinta ah ee Xamaas ee xukumaysey Gaza tobannaan sano oo uu ahaa Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, sida ay ”kashiftay” Washington Post (WaPo) Axaddii shalay, iyadoo soo xiganaysa khubaro badan oo Israa’iili ah.
Siyaasigan ayaa la sheegay inuu iska raaridey in Xamaas ay faa’iido u leedahay hakinta geeddi socodka nabadda ee Israa’iil iyo Falastiin iyo carqaladaynta dhismaha dowladda Falastiin, sida uu wargaysku sheegay.
Netanyahu, oo Israa’iil madax ka ahaa intii u dhaxaysey 2009 iyo 2020, kaddibna dib ugu soo noqday xukunka Diseembar 2022, ayaa marar badan wacad ku maray inuu burburin doono Xamaas intii uu xilka hayey, laakiin taa beddelkeeda wuxuu raacayey siyaasado ka caawiyey kooxdan inay gacanta ku hayso Marinka Qasa ee go’doonsan, sida ay ku warrantay warbaahintan Maraykanku.
Golaha Wasiirrada ee Ra’iisul Wasaaraha Israel ayaa ogolaaday lacagaha Qadar ay ku bixin jirtey mushaaraadka nisaamka Xamaas ee Qasa, hagaajinta kaabayaasha maxalliga ah, iyo sida loo malaynayo in xitaa ay maalgeliso howlaha Xamaas, ayay tiri WaPo.
Waxay intaa ku dartay, in intii uu xilka hayey Netanyahu, ay Israel sidoo kale ansixisay sii-daynta maxaabiis la sheegay inay sidoo kale faa’iido u leeyihiin kooxda Xamaas.
“Tobankii sano ee la soo dhaafay, Netanyahu wuxuu ka shaqeeyey sidii uu uga hortegi lahaa isku day kasta oo lagu burburinayo Xamaasta Qasa,” ayuu yiri taariikhyahan Israa’iili oo la yiraahdo Adam Raz, oo dersey xiriirka ka dhexeeya Ra’iisul Wasaaraha iyo kooxdan xagjirka ah, ayaa lagu qoray WaPo oo soo xiganaysa ninkan.
Waxaa uu ku tilmaamay “isbahaysi la yaab leh” oo laga yaabo inuu kusoo afjarmo weerarkii 7-dii Oktoobar ee ay Xamaas ku qaadday Israa’iil iyo haowlgalka ciidammada Israa’iil ee Qasa oo daba socdey, sida uu qabo.
Marar badan ayaa Israel iyo guud ahaan Galbeedka lagu tuhmaa inay gacan-saar toos ah iyo mid dadban la yeeshaan kooxaha xag-jirka ah ee ka dagaallama dunida Muslimka si ay u helaan fursad ay ku burburiyaan dalalkaas iyo marka dambe kooxaha laftooda, iyagoo halkaa ka eeganaya dan istaraatiji ah oo laba-afleey ah.
Hadalsame Media