Ku biiritaanka Somalia ee EAC oo durba faa’iido wayn u keentay ardayda wax ka barata dalalkaasi (Arag bayaankan)

0

(Kampala) 27 Nof 2023 – Soomaaliya ayaa 24-kii bishan si rasmi ah uga mid noqotey Ururka Bulshada Bariga Afrika, iyada oo hadda laga bilaabo oo fududaanayo isku-socodka, isdhexgalka iyo ganacsiga Bariga Afrika.

Soomaaliya waxay ku biirtay dalalkii horay ugasii tirsanaa EAC; Burundi, DR Congo, Kenya, Rwanda, South Sudan, Uganda iyo Tanzania.

Haddaba, ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Uganda oo ka mid ah 8-da dal ee EAC, islamarkaana ku jira 3-dii dal ee ururkan aasaasay ee Kenya, Uganda iyo Tanzania ayaa durba helaya mudnaan ay uga faa’iidaystaan xubinnimada Somalia ee EAC.

Congratulations to all Somali students in Uganda. SOMALIA is now officially an East African country. You can now pay the same tuition fees as Ugandans… Why not join the December intake closing soon?

”Hambalyo dhamaan ardayda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Uganda. SOOMAALIYA hadda waxay si rasmi ah u tahay waddan ka tirsan Bariga Afrika,” ayaa lagu qoray bogga Jaamacadda Victoria University ee Kampala.

”Hadda kaddib waxaad bixin kartaa khidmad la mid ah kuwa ardayda Ugandha (yacni waxaa loola dhaqmayaa sidii qof maxalli ah)… Maxaad ugu biiri wayday qaadashada ardayda bisha Diseembar oo dhaqse xirmaysa?” ayay sii raaciyeen iyagoo laftoodu halkaa fursad dhaqaale ka eeganaya.

Si kastaba, ku biirista Somalia ee EAC ayaa faa’iidooyin badan, balse sidoo kale waa inay Somalia hurtaa waxyaabo badan waxaase muhim ah in si daqiiq ah loogu bandhigo bulshada.

Waxaa sidoo kale muhim ah in laga shaqeeyo ammaanka dalka iyo midnimadiisa siyaasiga ah oo meel xun wada maraya, kahor wax kasta oo kale.

Hadalsame Media