3 dal oo ka mid ah EAC oo durba diyaariyey miisaaniyadda ku baxaysa FEDERAYSHAN ay ku midaysan yihiin dalalkani + Hal dastuur la qorayo (Ujeedku waa in hal DAL la isku noqdo)

0

(Hadalsame) 27 Nof 2023 – Madaxda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa ku ammaanay Kenya iyo Uganda taageerada miisaaniyadeed ee dheeriga ah ee ay siiyeen wadatashiyada gaarka ah ee EAC ee ku saabsan samaynta federayshan siyaasadeed oo ay ku midaysan yihiin dalalkani.

Intii lagu guda jirey maalintii ugu dambaysey ee Shir Madaxeedka 23-aad ee Caadiga ah ee Madaxda EAC ee ka dhacay Arusha Jimcihii, Shirku wuxuu sidoo kale aqoonsaday South Sudan oo ku yaboohday deeq lacageed oo dhan nus milyan ama USD500,000 oo Doollar waxaana lagu bogaadiyey sida ay Tanzania uga go’an tahay inay taageerto geeddi-socodka.

Shir-madaxeedku waxa uu ka horyimid dowladaha iskaashiga ah ee aan weli dhamaystirin geeddi-socodkan iyagoo soo jeediyey inay sidaas sameeyaan ilaa dhammaadka Maajo 2024.

GOORMA AYAA LA BILAABAY QORSHAHA FEDERAYSHANKA? Maajo 20, 2017, Shir Madaxeedkii 18-aad ee Madaxda EAC ayaa lagu meel mariyey laguna amray Golaha Wasiirrada dalalka xubnaha ah inay soo dhisaan Koox khubaro ah oo dhanka Dastuurka ah si ay u qoraan Dastuurka uu yeelanayo Isbahaysiga Siyaasadeed ee ay dalalkani ku midoobayaan.

Intaa kaddib, Goluhu wuxuu magacaabay khubarada dastuurka diyaarinaysa bishii Janaayo 2019-kii. Kooxdan khubarada ihi waxay ka kooban tahay laba Khabiir oo xagga Dastuurka ah iyo hal khabiir oo qabyo-qorista Dastuurka oo ka socda  dal kasta oo xubin ka ah EAC.

Dalalka Kenya, Burundi, iyo Uganda ayaa mar horeba si guul leh usoo gabagabeeyey howshii shaqo ee laga sugayey. Isbahaysigan Siyaasadeed ama federayshanka, ayaa noqon doona marxalada 4-aad ee ka dambeeya 3-da arrimood ee kale sida midaynta Kastammada, Suuqa Guud ee furan, iyo samaynta Lacagta ururka EAC, waana yoolka ugu dambeeya ee is-dhexgalka dalalka EAC.

Waxa uu FEDERAYSHINKANI ku dhisan yahay saddex tiir oo kala ah: siyaasad guud ee arrimaha dibedda iyo amniga oo dalalkan ka dhexeeysa, maamul-wanaagga, iyo hirgelinta wax ku oolka ah ee marxaladaha hore ee is-dhexgalka gobolka, sida ku cad qodobka 5(2) ee heshiiska aasaaska bulshada Bariga Afrika.

Somalia oo ah dalkii ugu dambeeyey ee ururka ku biira ayaa laga doonayaa inuu hirgeliyo qodobbadan.

Hadalsame Media