Ukraine oo weerarkii ugu ballaarnaa ka gaysatey gudaha Ruushka (Dhowr magaalo oo ay Moscow ku jirto oo la weeraray)

0

(Moscow) 26 Nof 2023 – Ciidamada Ukraine ayaa weerar qorshaysan la beegsaday caasimadda Ruushka, iyadoo ugu yaraan 20 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah lagu qabtay gobollada Moscow, Bryansk, Kaluga iyo Tula horraantii Axaddan, sida laga soo xigeay duqa magaalada Moscow iyo Wasaaradda Gaashaandhigga.

“Weerar aad u wayn oo lagu fuliyey diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa la isku dayey habeennimadii xalay… Ciidamada difaaca cirka ayaa kusoo ridey aagga Naro-Fominsk iyo degmada Odintsovo, iyagoo kuna sii jeeday Moscow,” Duqa magaalada Sergey Sobyanin ayaa sidaas ku baahiyey Telegram subaxnimadii Axaddan. Diyaarad kale ayaa lagu soo riday meel u dhow Podolsk.

Diyaaradahan Drones-ka ah ayaan wax dhaawac ah ama waxyeello wayn ka gaysan magaalada Moscow, sida uu sheegay Sobyanin, isaga oo intaa ku daray in ciidamada gurmadku ay ka jawaabayeen shilkaas islamarkaana ay baarayaan burburka.

Si kastaba ha ahaatee, magaalada Tula diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Drone-ka ah ayaa tashwiish lagu furay oo xakamihii lumisay, iyadoo ku dhacday dhismo la deggan yahay, halkaas oo uu hal qof ku dhaawacay, sida uu sheegay Barasaabka Aleksey Dyumin.

Millateriga ayaa sheegay inuu jirey “isku day kale oo weerar ”argagixiso” ah oo ay soo qaadday Ukraine oo la fashiliyey” habeennimadii xalay sida uu yiri, isagoo xaqiijiyey in 5-tii subaxnimo ugu yaraan 11 diyaaradaha aan duuliyaha lahayn lagu qabtay afar gobol oo dhaca meel koonfur-galbeed ka xigta caasimadda Ruushka.

Laba saacadood kaddib, millaterigu wuxuu sheegay in sagaal diyaaradood oo kale oo aan duuliye lahayn ama daroon lagu qabtay isla gobolladaas wax u eg weerarkii ugu ballaarnaa ee ay Kiev daroonno u adeegsato.

Ruushka ayaa dhanka kale sheegay inay soo rideen 2 miig oo ay leeyihiin Ukraine, balse taasi waa gudaha Ukraine.

Hadalsame Media