MW Maraykanka oo ”qirtay” in arrin uu hoos ka waday ay sababtay weerarkii kedada ahaa ee ay Xamaas qaadday 7-dii Oktoobar

0

(Washington, DC) 26 Nof 2023 – Madaxwaynaha Maraykanka Joe Biden ayaa soo bandhigay aragti ku saabsan arrin laga yaabo inay sababtay weerarradii la yaabka lahaa ee Xamaas ee dhaliyey dagaalkii ugu dambeeyey ee kooxda Falastiiniyiinta ahi ay la galeen Israel.

Isagoo warfidiyeenka kula hadlayey Nantucket, Massachusetts, Biden waxa uu qiyaasay in weerarka Xamaas ee 7dii Oktoobar ay ku dhiirigelisey horumarka Maraykanku ka gaarey wada xaajoodka heshiis nabadeed oo u dhexeeya Israa’iil iyo Sucuudiga.

Madaxwaynaha ayaa ku andacoodey in wadahadalladu ay sii kululaadeen kaddib markii la isla meel dhigay mashruuc wayn oo khad tareen ah, oo uu ku jiro isku xirka Riyaad iyo Israel, kaasoo lagaga dhawaaqay shirkii G20 ee bishii Sebtembar – heshiiskaas oo uu ku faanay inuu isagu ka shaqeeyey.

“Ma caddayn karo waxa aan doonayo inaan sheego,” ayuu yiri Biden.

“Laakiin waxaan aaminsan ahay mid ka mid ah sababaha ay Xamaas u samaysay waxii ay sameeyeen inay ogaayeen inaan si dhow ula shaqaynayo Sucuudiga iyo dalalka kale ee gobolka si aan nabad ugusoo dabaalo gobolka anigoo ka shaqaynaya aqoonsiga Israa’iil iyo xaqa ay Israa’iil u leedahay jiritaankeeda.” Ayuu raaciyey.

Biden ayaa hadalladiisa jeediyey kaddib xabbad joojin afar maalmood ah oo laga gaarey iska horimaadka Israel iyo Xamaas, taasoo bilaabatay subaxnimadii Jimcaha.

Hadalsame Media