Ciidamada Badda Shiinaha oo cayrsadey markab dagaal oo Maraykan ah (Maxaa la isku qabtay?)

0

(Beijing) 26 Nof 2023 – Millateriga Shiinaha ayaa cayrsadey markab dagaal oo Maraykanka laga leeyahay meel u dhow jasiiradda lagu muransan yahay ee Xisha/Paracel ee ku taal badda Koonfurta Shiinaha, sida uu sheegay afhayeen u hadlay Ciidanka Xoraynta Shacabka Sabtigii, isagoo ku tilmaamay Washington “mid halis gelisa amniga” iyo “burburiyaha ugu wayn” ee nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Kusoo xadgudubka dhul-badeedka Shiinaha ee markabka USS Hopper oo qaada gantaalaha wax burburiya ee la hago “waxay si aad ah halis u gelinaysaa” madaxbannaanida Beijing, waxayna mar kale caddaysay in Washington ay raadinayso “inay goob ciidan ka dhigto” Badda Koonfurta Shiinaha, ayuu yiri afhayeenka Taliska Koonfureed ee PLA, Kornayl Tian Junli.

Millateriga Shiinaha ayaa waxa ay halkaa geeyeen “ciidamada cirka iyo badda si ay ula socdaan” markabkan meesha soo galay, “waxayna ka eryeen goobta si waafaqsan sharciga caalamiga ah,” CGTN ayaa werisey. Pentagon-ka ayaan se weli ka hadlin dhacdadan.

Jasiiradaha Xisha ayaa ah jasiirado lagu muransan yahay oo ku yaal badda Koonfurta Shiinaha, kuwaasoo uu Shiinuhu hadda maamulo. Caalamiyan waxaa loo yaqaan Jasiiradaha Paracel, waxaana sidoo kale sheegta Vietnam iyo gasiiradda Taiwan.

Yeelkeede, Washington ma aqoonsana sheegashada Shiinaha ee madaxbannaanida jasiiradahan waxayna marar badan ku tilmaantay “sharci darro” iyo inay “khatar wayn arrintani ku tahay xorriyadda badaha.”

Dhacdooyin tan la mid ah ayaa horay u dhex maray labada dhinac. Burburiyaha USS Milius ayaa waxaa “cayriyey” Ciidamada Badda Shiinaha bishii Maarso ee sanadkan, halka USS Benfold halkaa laga eryay laba jeer 2022-kii.

Hadalsame Media