”Xaalkiisu waa mid garaab ah” – Ninkii diley Floyd oo xabsiga lagu toorriyeeyey

0

(Tucson) 25 Nof 2023 – Derek Chauvin, oo ahaa booliiskii reer Minneapolis ee lagu helay dembiga dilkii George Floyd, ayaa waxaa toorriyeeyey maxbuus kale oo ku jira xabsiga federaalka ee ninkan lagu hayo, sida ay Wakaaladda Wararka ee Associated Press sheegtay, iyagoo xusay inuu soo gaarey dhaawac halis ah.

Weerarka ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay Xarunta Asluubta ee Federaalka ee Tucson, ee gobolka koonfureed ee Arizona galabnimadii Jimcahii shalay, sida uu AP u sheegay qof la socda dhacdadan.

Hay’adda Xabsiyada Maraykanka ayaa xaqiijisay in maxbuus lagu weeraray xaruntaasi Jimcihii, in kastoo aysan magacaabin, kaliyana ay sheegeen in dhibbanahu uu helay “garaar naf badbaadin ah” kahor inta aan isbitaal loo qaadin.

Ilaha AP ayaase intaa ku daray in Chauvin uu “si xun ugu dhaawacmay” weerarkaasi, inkastoo aan la hubin heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaciisu.

Chauvin waxaa loo gudbiyey xabsiga Tucson ee aadka loo ilaaliyo iyadoo laga keenay gobolka Minnesota sanadkii hore, waxaa lagu wadaa inuu dhamaysto labo xukun oo isku mar ah: 22.5 sano oo ugu dhacay xukun dil kas ah oo uu u gaystey George Floyd iyo 21 sano oo xabsi ah oo kale oo ugudhacay ku xadgudubka xuquuqda madaniga ah ee Floyd.

Floyd ayaa naftiisa ku waayey gacanta booliiska, isagoo lagu haystey inuu dukaan ku yaalla Minneapolis wax uga iibsadey lacag been abuur ah oo dhan $20 Doollar.

Chauvin ayaa la arkayey isagoo jilibka ku haya luqunta Floyd in ka badan 9 daqiiqo, halka uu isaguna ku cataabayey ”war ma neefsan karo.”

George Floyd: The Fall of Minneapolis: George Floyd's murderer Derek Chauvin  responds to documentary from prison, calls entire case a 'sham'

Hadalsame Media