(Beijing) 25 Nof 2023 – Beesha caalamku waa inay wax ka qabataa “khatarta faafista nukliyeerka” ee uu keenayo heshiiska saddex-geesoodka ah ee AUKUS ee u dhexeeya dalalka US, UK iyo Australia, ayuu ku qayliyey Ergayga Beijing ee Wakaaladda Tamarta Nukliyeerka (IAEA).
Isagoo kahor hadlaya Maamulka IAEA Jimcihii, Ergayga Shiinaha ee Li Song ayaa waxa uu ku dooday in heshiiska AUKUS “uu kasoo horjeedo ujeedooyinka” heshiiska taariikhiga ah ee ku aaddan xakamaynta faafista hubka Nukliyeerka (NPT), islamarkaana uu khatar ku yahay ammaanka gobolka Aasiyada-Baasifigga.
Li wuxuu sii waday inuu ku baaqo in “wada hadallo caalami ah” oo toos ah ay arrintan ka yeeshaan dalalka ku jira IAEA oo ah hay’ad hoos tagta QM, isagoo xusay inay dalalkaasi hayaan xikmad, dulqaad iyo go’aan ay si saaxi ah ugula macaamilaan halisaha ka dhalan kara waxa ay wadaan AUKUS ee keeni kara faafitaanka nukliyeerka.
“Caqliyadda dagaal qabow waxa uu dhiirrigelin doonaa tartan dhanka hubka ah, kaasoo dhaawacaya nidaamka caalamiga ah ee nukliyeerka u yaalla,iyo xasilloonida gobolka iyo nabadda.”
AUKUS waxaa la aasaasay 2021-kii waana heshiis u dhaxeeya Washington, Canberra iyo London si qayb ahaan si loo fududeeyo is dhaafsiga tignoolajiyadda millateri ee saddexdan dal ee qaraabada iyo xulafada ah, iyadoo millateriga Maraykanku uu ballanqaaday inuu ka caawinayo Australia helitaanka maraakiibta ku shaqeeya quwadda Nukliyeerka ah.
Arrintaas ayaa xitaa ka caraysay Faransiiska oo awal qandaraas noocaas ah kula jirey Australia.
Hadalsame Media