(Liverpool) 25 Nof 2023 – Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa muujiyey sida uu uga xun yahay xilliga lagu beegay jadwalka kulanka Sabtigan ee Manchester City isaga oo si kaftan ah qoorya-sagaaro ugu qabtay weriye ka tirsan Sky Sports intii lagu jirey tababarka kooxdiisa Khamiistii.
Tababaraha Reds ayaa ka xanaaqay kaddib markii si toos ah loo dhiibay jadwal ah inay ciyaaraan Sabtiga saacadda UK marka ay tahay 12:30pm kaddib fasaxii caalamiga ahaa markii seddexaad oo isku xigta xilli ciyaareedkan.
Ciyaarta ka dhacday Etihad ee u dhaxaysa labadan kooxood ee ugu sareeysa Premier League ayaa waxay bilaabatay wax ka yar 72 saacadood kaddib markii ciyaartooyda labada dhinac ay dheeleen isreebreebka Koobka Adduunka gaar ahaan Koonfurta Ameerika sida Brazil v Argentina iyagoo soo safray in ka badan lix kun oo mayl.
Klopp ayaa ku dhaleeceeyey Premier League iyo shirkadaha telefishinnada jadwalkan cariiriga ah ee kulankan muhimka ah ee horyaalka EPL, iyadoo aan la tixgelin nasiinnada iyo soo kabashada jireed ee laacibiinta.
Jurgen Klopp with Sky Sports reporter @VinnOConnor
“Thank you for the 12:30 🥊”
😭😭😭 pic.twitter.com/vz5HGwa8nX
— LFC Transfer Room (@LFCTransferRoom) November 23, 2023
Hadalsame Media