BBC oo ku dhaqaaqday arrin ay aad uga gilgisheen shaqaalaha Yuhuudda ah ee iyada u shaqeeya

0

(London) 25 Nof 2023 – Dhowr ka mid ah shaqaalaha Yuhuuda ah ee BBC-da ayaa weerar ku qaaday hay’addan kaddib markii ay ka mamnuucday saxafiyiinteeda inay ku biiraan dibadbaxa soo socda ee ka dhanka ah wax lagu sheegay ”nacaybka Saamiga”, sida uu faafiyey Times, iyadoo soo xiganaysa soosaarayaal iyo shaqaale kale.

Dibedbaxan oo uu soo qabanqaabiyey ololaha ka dhanka ah nacaybka Yuhuudda ee Campaign Against Antisemitism, ayaa lagu wadaa in maalinta Axadda ah ee berri uu ka dhaco caasimadda UK ee London, halkaasoo la filayo in kumannaan qof ay isugu soo baxaan.

Si kastaba ha ahaatee, shaqaalaha BBC-da ee “ka shaqeeya wararka iyo arrimaha hadda taagan” ayaa loo diidey oggolaanshaha si ay uga qaybgalaan, iyadoo saraakiisha sare ay daliishanayaan habraaca baahinta ee hadda u degsan gaar ahaan dhacdooyinka loo qaadan karo qaar siyaasadeed ama muran ka taagan yahay, sida uu qabo Times.

Shaqaalaha Yuhuuddu waxay dhaleeceeyeen go’aankan, iyadoo mid ka mid ah shaqaalaha aan la magacaabin uu u sheegay The Times: “Cunsurinnimadu waa cunsurinnimo waana wax aan dhammaanteen neceb nahay – laakiin cunsuriyad maaha marka ay timaado cunsuriyadda Yuhuudda ka dhanka ah sida ay u muuqato.”

“Haddii BBC ay aaminsan tahay in cunsuriyaddu ay tahay cunsuriyad oo aan la aqbali karin qaab kasta ama nooc kasta, markaa ma aha in la diido dibedbax ka dhan ah Yuhuud nacaybka.  ayay ku dareen.

Hadalsame Media