DF Somalia oo bayaanisey qorshaha uga degsan wejiga cusub ee uu dalku gelayo kaddib ku biirista EAC

0

(Muqdisho) 24 Nof 2023 – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed ayaa qoraal ay soo saartay waxay hambalyo ay u dirtay Shacabka Soomaaliyeed wax ay ku sheegtay ”guul taariikhi ah” oo ku aaddan ku biirista Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), waxay kaga hadashay qorsheheeda ku aaddan wejigan cusub ee ay Somalia geli doonto.

“HSJ waxa ay si gaar ugu bogaadinaysaa Madaxwaynaha JFS Dr. Xassan Sheekh Maxamuud dadaalkii uu geliyay ku biiiritaanka Dalladda Bulshada Bariga Afrika,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hay’adda HSJ.

“Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed waxa ay kaalin muhiim ah ka qaadanaysaa in sida ugu wanaagsan umadda Soomaaliyeed uga faaiidaysato isku Socodka xorta oo ay ku dhisantahay mabaadii’da iskaashiga Dallada.” Ayaa la raaciyey bayaanka kooban.

Warkan ayaa imanaya tiiyoo ay Soomaaliya maanta si rasmi ah ugu biirtay Dallada Bulshada Bariga Afrika, waxaana uu dalkeennu sidaa ku noqonayaa kii 8-aad ee ku biira urur-goboleedkan.

Dhanka kale, Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka qaybgalay Meertada 23-aad ee Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa guddoomay kursiga xubinnimo ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo la aqbalay codsigeedii ay ku doonaysey ku biiridda dalladan EAC oo ay DF dadaal ku bixinaysey tan iyo sannadkii 2016-kii.

“Maanta oo aan furnay bog cusub oo ka mid ah taariikhda Soomaaliya, waxaa sharaf weyn ii ah in aan idin hor istaago annagoo si rasmi ah uga mid noqonayno xubnaha dallada Bulshada Bariga Afrika. Tani kaliya kama tarjumeyso hiigsigeenna ee waa ifafaalo mustaqbal wanaagsan, fursado iyo awoodaha bulshadeenna,” ayuu yiri MW Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalsame Media