(Hadalsame) 24 Nof 2023 – Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga mid noqotey Ururka Bulshada Bariga Afrika, iyada oo hadda laga bilaabo oo fududaanayo isku-socodka, isdhexgalka iyo ganacsiga Bariga Afrika.
Soomaalidu waxa ay gaalaa-bixi doontaa; Burundi, DR Congo, Kenya, Rwanda, South Sudan, Uganda iyo Tanzania.
MAXAA SOO KORDHAYA? Somalia xubin ahaan waxay helaysaa mudnaanta ay leeyihiin dadka Bariga Afrika ee haatan xubnaha ka ah EAC, sida safarka fiise la’aanta ah, ka shaqaysiga iyo ku noolaanshaha dalalkaasi.
Sidoo kale, Somalia waa inay aqbashaa muwaadiniinta dalalka kale ee ururkan haddii ay doonayaan inay yimaadaan Somalia.
Hadalsame Media