Turkiga oo Somalia u rakibay kaabe aad u kacaamin doona farsamo cusub oo loo baahnaa + Sawirro

0

(Muqdisho) 23 Nof 2023 – Si loo xoojiyo kaabayaasha beeraha ee Soomaaliya, laba tababar oo dhanka beeraha ah iyo barashada beeraha lagu koriyo guryaha (greenhouse) ayaa lagu rakibay Waaxda Beeraha ee Jaamacadda Ummadda (UMMADA) ee Muqdisho, iyadoo midkiiba uu ku fadhiyo dhul dhan 250 mitir oo laba jibbaaran.

Munaasabadda lagu furayey xarumahan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Waaxda Beeraha ee Gobolka Banaadir Prof. Maxamuud Maxamed; Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Xasan Cismaan Gacal; Hormuudka Waaxda Beeraha, Prof. Dr. Maxamed Cabdisamad Adam; iyo Xiriiriyaha hay’adda TİKA ee Soomaaliya, İlhami Turus iyo ardayda.

Xiriiriyaha TİKA ee Soomaaliya, Turus, ayaa khudbadiisa ku nuuxnuuxsaday in dhaqaalaha Soomaaliya uu ku tiirsan yahay beeraha iyo dhaqashada xoolaha, sidaas darteedna loo baahan yahay in laga taageero howlaha dhinacyadan.

Agaasimaha Beeraha Muqdisho Prof. Maxamed ayaa isna sheegay in mashruucani uu yahay mid istiraatiji ah oo dhanka waxbarashada beeraha Soomaaliya ah, wuxuuna u mahadceliyey hay’adda TİKA.

Waxa kale oo uu carabka ku adkeeyay in mashruucan wax-soo-saarka beeraha dalka si cad wax looga arki doono mustaqbalka.

Arrintan ayaa sii kacaamin doonta farsamada beerista loo yaqaan Greenhouse oo haatan dalka uga bilaabatay si hoose balse wax wayn soo kordhin doonta kana sahlan qaabkii soo jireenka ahaa ee wax loo beeri jirey.

Waxaa kaabahan ka faa’iidaysan doona ardayda Kulliyadda Beeraha ee Jaamacadda Ummadda.

Hadalsame Media