Shirkad laga leeyahay dal Muslim ah oo noqotay midda ugu dakhliga badan dunida (Apple halkee gashay?)

0

(Hadalsame) 23 Nof 2023 – Waxaa sanadkii tegey dunida ugu dakhli badnaatay shirkad laga leeyahay dal Muslim ah, taasoo dhaaftay dhammaan shirkadihii waawaynaa ee dunida Galbeedka.

Shirkadda Sucuudiga ee Aramco oo shidaalka ku qaybsan, ayaa noqotay shirkaddii ugu dakhliga badnayd sanad kii tagay ee 2022-kii, waxayna soo xaraysay lacag dhan $604 bilyan.

Waxaa 4 bilyan ka sarreeysaa shirkadda kusoo xigta ee 2-aad ku jirta.

Waxaa ku xigtey Walmart oo heshay 600 bilyan Doollar. Shirkadda caanka ah ee Apple ayaa lixaad gashay, iyadoo soo xaraysay lacag dhan $387 billion.

🇸🇦 Saudi Aramco: $604 billion
🇺🇲 Walmart: $600 billion
🇺🇲 Amazon: $513 billion
🇨🇳 Sinopec: $490 billion
🇨🇳 PetroChina: $479 billion
🇺🇲 Apple: $387 billion
🇬🇧 Shell: $381 billion
🇩🇪 Volkswagen: $293 billion
🇺🇲 Alphabet (Google): $282 billion
🇯🇵 Toyota: $267 billion

 

Hadalsame Media