MW Putin oo arkay muuqaal uu ka ”naxay” & hal arrin oo uu isku waajibiyey (Muxuu u samaynayaa Falastiin?)

0

(Moscow) 23 Nof 2023 – Moscow waxaa saaran waajibaad akhlaaqeed oo ah inay gargaar bini’aadannimo gaarsiiso dadka rayidka ah ee Gaza, sida uu qabo Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin.

Maalin kahor, waxa uu u sheegay hoggaamiyeyaasha kale ee BRICS inuu aad uga gilgishay oo uu damiirku dhaqaaqay markii uu daawaday muuqaallo muujinaya carruurta Falastiiniyiinta oo qalliin la marsiinayo suuxdin la’aan.

Horraantii bishan Nofeembar, Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ku eedeeyey Israel inay si joogto ah u bartilmaameedsato xarumaha caafimaadka. Hay’addan caalamiga ah ee QM ayaa sidoo kale sheegtay in dhimashada carruurta Falastiin ay tahay dhacdo maalin kasta ka dhacda dhulka go’doonsan ee Falastiin.

Mar uu la hadlayey Golaha Wasiirada ee Ruushka isaga oo adeegsanaya muuqaal toos ah, Madaxwayne Putin waxa uu yiri: “Tani waa howl aad muhiim u ah, bini’aadannimo, iyo camal sharaf leh. Waxaan u baahan nahay inaan caawinno dadka dhibaataysan ee ay saameeyeen dhacdooyinka socda.”

Hoggaamiyaha Ruushka oo sii hadlaya ayaa ku tilmaamay bixinta gargaarka la gaarsiinayo shacabka Falastiiniyiinta ee Gaza ku sugan inay tahay “waajibkooda muqadaska ah.”

Isagoo ka qaybgelaya shir aan caadi ahayn oo dalalka BRICS ay u yeesheen qaab online ah maalin kahor, Madaxwaynuhu wuxuu xusay in “dhimashada kumannaanka qof, barakaca ballaaran ee dadka rayidka ah iyo masiibooyinka bini’aadannimo ee qarxay” ay sababayaan “walaaca ugu wayn.”

“Markaad daawato sida carruurta yar yar loo qalayo iyadoo aan la suuxin – tani dabcan waxay kicinaysaa dareenno gaar ah.” ayuu Putin ku daray.

Putin ayaa soo jeediyey in xal waaraa uu kaliya ku ku jiro in la dhiso laba dowladood oo ay kala yeeshaan Falastiin iyo Israel.

Hadalsame Media