(New York) 023 Nof 2023 – Musharraxa Madaxwaynaha Maraykanka ee Robert F. Kennedy Jr. ayaa xusay sanadguuradii kasoo wareegatey dilkii Madaxwayne John F. Kennedy isagoo wacad ku maray inuu dhaxalkiisa siyaasadeed kasii qaadi doono sidii adeerkii uu iskugu dayey inuu Ameerika ka dhigo wadan nabadeed.
“Haddii dadka Maraykanku ay ii doortaan madaxwaynahooda, waxaan dib u bilaabayaa hannaankii uu adeerkay wadey 60 sano kahor ee ahaa in la furfuro boqortooyada millateriga Maraykanka,” ayuu Kennedy ku yiri op-ed uu daabacay Arbacadii Fox News.
“Waxaan millatariga kusoo celin doonaa shaqadoodii saxda ahayd ee difaaca dalka.” ayuu raaciyey.
John F. Kennedy ayaa la diley 22-kii Nofeembar, 1963-kii oo shalay ku beegnayd, isagoo ay gelbinayaan kolonyo maraysey magaalada Dallas ee Gobolka Texas. Eedaysanaha loo qabtay inuu dilay ee Lee Harvey Oswald, ayaa labo maalmood kaddib isna lagu dilay Saldhigga Booliska Dallas.
Ku dhowaad 5 sano kaddib, walaalkii Robert F. Kennedy ayaa waxaa lagu khaarajiyey munaasabad ka dhacday magaalada Los Angeles, isagoo u ololaynayay inuu noqdo Madaxwaynaha Maraykanka.
Hadalsame Media