Maamulaha iskuulka uu wiilka yari ku dhintay oo la tuhmey (Xog cusub)

0

(Gothenburg) 23 Nof 2023 – Shilkan ayaa dhacay horraantii bishii Maarso ee sanadkii tegey. Caadil oo ahaa wiil yar oo ku jira da’dii dugsiga hoose ayaa dhagax uu fuulay ka dhacay barxadda dugsiga xilli nasasho ah.

Si xun ayuuna u dhacay taasoo markii dambe keentay inuu ku dhinto isbitaalka.

Wiilku waxa uu joogey, sida ay maamulku ku doodeen, qayb ka mid ah barxadda dugsiga oo aan loo ogolayn inay ardaydu tagaan. Sidoo kale ma jirin wax waardiye ah.

Booliiska ayaa xilligii shilka bilaabay baaritaan horudhac ah oo ku saabsan sababta dhimashada, balse kiiska waa la laabay.

Taa baddalkeeda, baaritaan horudhac ah ayaa laga bilaabay qaybta qaranka ee degaanka iyo degaanka shaqada iyo xadgudubyada bay’ada shaqada. Maamulaha Iskuulka ayaana lagu daray dadka loo haysto tuhun dembi ah, waxaana su’aalo waydiiyey booliiska.

Xeer Ilaaliyuhu ma rabo inuu ka hadlo baaritaankan hordhaca ah.

Maamulka degmada Göteborg oo ah cidda uu dugsigu hoos tago, ayaa isna baaritaan ku sameeyay shilka, waxaana ay kusoo gabagabeeyeen in iskuulku uusan wax khalad ah sameyn.

Laakin baaritaanka Hay’adda Kormeerka Dugsiyada ee Skolinspektionen ayaa u jeedisey aleecayn.

Waxaana maamulka loo sheegay inaysan samayn kormeer fiican oo lagula socdo shilka uu wiilka yari ku baxay.

Hadalsame Media