”Haddii aan layno 4,000 oo carruurta Falastiin ah xitaa naguma filna” – Siyaasi Maraykan ah oo xil muhim ah laga cayriyey kaddib arrin uu kula kacay nin Muslim ah (Daawo)

0

(New York) 23 Nof 2023 – Stuart Seldowitz oo hore uga tirsanaan jiray Golaha Ammaanka ee Maraykanka ayaa laga cayriyey xil ololayn ah oo uu hayey kaddib markii lasoo duubay muuqaal isagoo u hanjabaya nin Muslim ah oo wax ku iibiya waddooyinka oo uu ugu gooddinayo inuu musaafurin doono islamarkaana jirdil u gaysanayo, isagoo sidoo kale aflagaaddo wayn u gaystey Nebigeenna Muxamed (NNKH).

Muuqaalo taxane ah oo online-ka ku faafay Talaadadii, Seldowitz wuxuu ku eedeeyey iibiyahan ku sugan New York inuu taageero kooxda Falastiiniyiinta ah ee Xamaas. “Waxaad taageersan tahay in la dilo carruurta yaryar,” Seldawitz ayaa ninka ku yiri halka iibiyuhu ku jawaabey, “Anigu ma dilo carruurta, ee adigaa laaya.”

“Haddii aan dilno 4,000 oo carruur Falastiini ah, miyaad ogtahay? Naguma filna!” ayuu ku jeesjeesay Seldowitz oo reer New York ah.

“Waxaan la hadli doonaa saaxiibadayda Waaxda Socdaalka,” Seldowitz ayaa ku yiri muuqaal kale, isaga oo u sheegay in Adeegga Sirdoonka Guud ee Masar, oo sidoo kale loo yaqaan Mukhaabaraat “ay rabaan sawirkiisa.”

“Mukhabaarat-ka Masar ayaa soo heli doona waalidkaa,” Seldwitz ayaa sii waday. “Aabbahaa cidiyihiisa miyaanu jeclayn? Mid mid ayay ugasoo saarayaan.” ayuu soo jeediyey.

Seldowitz waxa uu xitaa diiday inuu ka tago meesha markii uu iibiyuhu ka codsaday inuu ka “tago” waxa uuna u dhaqaaqay in uu sawir ka qaado ninka isaga oo wata teleefankiisa gacanta, kahor inta aanu aflagaadayn Nabi Maxamed NNKH.

WAA KUMMA SELDOWWITZ? Seldowitz waa u doode cad oo u xagliya nidaamka Sahyuuniga ah ee Israa’iil, wuxuuna soo noqday Agaasime Xigeenka Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ee Israa’iil iyo arrimaha Falastiin intii u dhaxaysey 1999 ilaa 2003.

Marka magaciisa la eego, waxaa uu u qaab egyahay Yuhuudda Ashkenazi-ga ee ka timid gaar ahaan Jarmanka, Poland ama Austria, balse weli taa si rasmi ah looma hubo.

Xilligaas waxaa fashilmay heshiiskii Camp David waxaana dib u bilowday wejiga 2-aad ee Intifaadada Falastiin.

Hadalsame Media