(Dubai) 22 Nof 2023 – Diyaaradda duullimaadyada ee Emirates ayaa waxay hakinaysaa duullimaadyadii tegi jirey ama ka iman jirey Tel Aviv ilaa amar dambe xilli uu socdo iska horimaadka Israel iyo Xamaas, ayay shirkaddu ku dhawaaqday Arbacadii.
“Macaamiisheeda u socda Tel Aviv ee jaranaya duullimaadyada Fly Emirates lama aqbali doono ilaa amar dambe.” ayuu raaciyey afhayeenka Emirates oo sheegay in lacagta loo celinayo dadkii horay tigidhada u jartay.
Emirates, oo markii hore baajisay duullimaadyadeedii tegi lahaa Tel Aviv 12-kii Oktoobar sababo la xiriira walaac xagga ammaanka ah oo ka dhashay dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ee bilowday Oktoobar 7, iyadoo hakinta kordhisay dhowr jeer.
Shirkaddu waxay deeto ku dhawaaqday kordhinta oo ay gaarsiisey ilaa Oktoobar 26, kaddib Noofambar 14, iyo kan ugu dambeeyey oo la gaarsiiyey ilaa Nofeembar 30. Waxaase xusid mudan, in tani ay calaamad u tahay tusaalihii ugu horreeyey ee ay Fly Emirates si aan cayinnayn u hakiso howlihii Tel Aviv.
Duullimaadkii ugu horreeyey ee ka yimaada Imaaraatka Carabta ee taga Tel Aviv ayaa waxa uu ahaa bishii Juun 2022, iyada oo sidey 335 rakaab ah oo ka duulay garoonka caalamiga ah ee Dubai.
Duullimaadkan ayaa waxa uu bilow u ahaa adeeg maalmeedka u dhexeeya labada magaalo kaddib markii la saxeexay wax lagu sheegay ”heshiiskii Ibraahimiga” oo dhaliil badan kala kulay dunida Muslimka oo aan aqoonsanayn xiriir diimeed oo la yiraahdo ”Ibraahiimi.”
Hadalsame Media