(Gothenburg) 22 Nof 2023 – Waxaa soo shaac baxay cod sir ah oo ay faafiyeen qaar ka mid ah warbaahinta Sweden oo sheegay inaan sidii saxda ahayd loo wajihin dawaynta Caadil, oo ahaa wiil yar oo 8-jir ahaa oo dhintay bishii Maarso ee sanadkii tegey, kaddib markii uu kasoo dhacay buur yar oo ku taalla iskuulkiisa oo ku yaalla Biskopsgården ee magaalada Göteborg.
Adil oo 8 jir ahaa ayaa dhintay bishii Maarso ee sanadkii hore kaddib markii uu ka soo dhacay buur ku taal barxadda iskuulka ee Biskopsgården ee Göteborg.
Muddo sanad iyo bar ku dhow ayay ehelada wiilka yari wax ay baadi goobayeen jawaabo ku saabsan sida ay wax u dheceen iyo waxa runtii khaldamay.
Baarista Aftonbladet ayaa muujinaysa cillado dhowr ah. Xogo muhim ah oo ku saabsan joogga meesha uu wiilku kasoo dhacay ayaa lagu beddelay diiwaannada caafimaadka (journaler). Min inuu wadnuhu istaagay, ilaa la sheegay inuu ku turaanrurrooday dalcad yar taasoo aan run ahayn.
Waxaa dheer, in hooyada wiilka dhashay oo isku dayday inay arrintan u sharraxdo shaqaalaha caafimaadka la siin waayey qof u turjuma ilaa ay xaaladdu gaartey meel aan laga badbaadin karayn nafta Caadil Yare.
Tan kale, inkastoo uu dhaawac halis ah kasoo gaarey madaxa, taasoo keentay dhimashadiisa, misna Caadil ma uusan helin mid ka mid ah labada sariirood ee la heli karey ee qaybta daryeelka deg degga ah ee qaybta neerfaha ee Sahlgrenska maalintaas, sida ay sheegayso baarista Aftonbladet.
Intaa waxaa dheer, waxaa laga yaabaa inay jiri kartey habacsanaan xagga la socodka ah kaddib markii wiilka lagu suuxiyey daawada propofol kahor raajada labaad. Sida ay sheegtay hooyadu, wax falcelin ah ama dhaqdhaqaaq ma lahayn wiilka yari markii uu jiifiyey qolkiisa raajada kaddib.
Caadi ahaan, bukaanku waa inuu ku toosaa 10-20 daqiiqo gudahood suuxinta propofol kaddib, laakiin Caadil waxaa laga yaabaa inuu miyir la’aa wax ka badnaa nus saac halkaasoo ay maskaxdu barartay oo ay deeto xirtey wareeggii dhiigga, ugu dambayntiina waxay taasi keenaysaa inuu wadnuhu istaago.
Isbitaalka Jaamicadda Sahlgrenska ayaa diidey in arrintan laga waraysto waxayna kaliya soo direen jawaab gaaban oo qoraal ah, waxayna ku gaabsadeen inay ”wax kasta u fuliyeen si saaxi ah”, sida ay tiri dhakhtar sare Anneli Fagerberg iyadoo la sii hadlaysa qaybta warfaafinta ee isbitaalka.
Laakin cod uu duubay qof ay qaraabo yihiin Caadil oo xilligaa weli ku jirey qaybta qalabka neefsashada, dhakhtar ayaa u sheegay inuu eegay diiwaanka caafimaadka iyo inay dhici karto inay maqan yihiin waxyaabo loo baahnaa in loo sameeyo wiilka. Halkan ka dhegeyso…
Markii qofkii qaraabada la ahaa uu soo qaatay dhowr cilladood, dhakhtarku wuxuu ku jawaabey, sida laga maqlayo codka sirta ah oo ay aragtay Aftonbladet, inuu dhakhtarku ugu jawaabey qoyska – oo asalkiisu Soomaali yahay – in aysan ku kalsoonayn hay’adaha Sweden.
Sahlgrenska iyo Östra sjukhuset, oo ka wada ka tirsan isla hal unug agaasin ahaan, ayaan doonayn inay ka hadlaan dhacdada dhakhtarka, sababo la xiriira khusuusiyaadka qofka, waxayna kaliya ku gaabsadeen inay ka xun yihiin inaysan ku qanacsanayn nidaamka caafimaad haddii ay dood qabaanna ay lasoo hadlaan.
“Cisbitaalka jaamacadda Sahlgrenska waxa uu kulamo iyo wadahadal la yeeshay ehelada, waxaana ka cudur daaranaynaa haddii ay ku qanci waayaan daryeelka. Haddii ay qabaan aragtiyo iyo su’aalo, waa lagu soo dhaweynayaa inay nala soo xiriiraan, “ayuu yiri dhakhtarka sare Anneli Fagerberg.
Ha yeeshee, iisbitaalka Sahlgrenska walaa midka Östra midkoodna ma sheegin waxa dhacay oo siima gudbinin.
Wafaa oo ah hooyada dhashay wiilka ayaa Hadalsame Media u sheegtay inay baaris kale socoto oo ay sugayaan, waxayse ka cabatay inaysan helin wax kaalmo ah markii ay xaaladdu taagnayd, iyadoo Soomaalida ugu baaqday inay u dayacan yihiin arrimahan oo kale.
Waxaa Tarjumey: Maxamed Xaaji
Hadalsame Media